 Ciidamo si gaar ah u tababaran oo Danish ah ayaa xoog ku galay markab ay heysteen burcad badeed Soomaali ah, siina daayay 25 shaqaale ah oo halkaasi lagu heystay.
Hadalkan ayaa magaalada Nairobi waxaa ka sheegay Afhayeen u hadlay ciidamada Midowga Yurub, John Harbour.
Afhayeenku waxa uu wakaaladda wararaka ee Associated Press, u sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee markab dagaal uu farageliyo burcad saaran markab oo shaqaale heysta.
Ciidamada ayaa galay markabka, iyadoo aan la ogeyn, in burcad badeeddu ay isaga tageen markabka ka hor intii aanay ciidamadu dhinaca biyaha hoose ka soo gelin.
Ciidamada Denmark ayaa waxa ay sii daayeen 25 shaqaalaha oo iyagu isku xiray qol.
|