 DAAWO: Maalma uun ka hor itii aanu Sillaanyo ku soo noqonin Somaliland ayaa laba wasiir oo xukuumada ka tirsani si fudud u yidhaahdeen , sillaanyo dalka iyo dadka cafis ha waydiisto, sida muuqata waxa ay ujeedadoodu ahayd in ay u tusaan shacbiga nin aan ka daacad ka ahayn qadiyada Somaliland taageerana ku helaan.
Nasiib daro arinkaasi waxa uu u muuqdaa hada in uu xisbigu gool iska dhalliyey, waxaanu arinkii isu rogay in uu Sillaanyo ku kasbado taageeradii iyo soo dhawayntii iyo amaantii abid ugu balaadhnayd ee loo sameeyo, waxaa kalmadii Madaxda ka soo yeedhay cambaareeyay siyaasiyiin ,madax dhaqameedyo, iyo qaybaha bulshada iyada oo aad moodo in uu arinkii cagsiga u shaqeeyay Mudane Silaanyana loo muujiyey in uu yahay halyey qaran oo lagu qaldamay.
Bal daawo faaladii ugu dambaysay ee maanta iyo Warya TV.
|