 Denmark : Si lama filaan ah ayay maata laba wargays oo caanka ah wadanka Denmark usoo wada daabaceen qormooyin xidhiidhsan oo ay ku lafo gurayaan soomaalida dalkan ku nool , labada wargeys midka hore waxa uu dhawr bayj wax kaga qoray qaadka iyo soomaalida oo uu markii danbe sheegay wargaysku in lacagta ka soo baxda qaadka ay soomaalidu ku isticmaasho Denmark loo diro kooxaha diimaha ee soomaaliya sida Al-Shabaab,
wargeyska kale oo magaciisa la yidhaahdo Polotiken waxa uu kala badh boggagiisa ku qaadaa dhigay soomaalida iyo xagjirnimada , Wargeyska oo aad moodaysay in uu sameeyay baadhitaan xoog leh intii aanu xogtan soo bandhigin, waxa uu soo daabacay waraysiyo is naqdiyaya oo lala yeeshay somaali kala duwan sida wadaado uu farta ku goday iyo dadkale oo ka soo horjeeda .
si kastaba ha ahaatee saxaafada Denmark ayaa maanta toosh sideed dhaxle ah ku shiday Somaalida ku nool Denmark.
waxaa la sugaaba waa dooda ay dhaliso warbixinahaa ay jaraaidku daabaceen. oo la filayo in ay faalooyin ka bixindoonaan siyaasiyiinta iyo waliba soomaalida dalkan ku nooli.
waxaananu si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa
waraysiyo iyo doodo ku saabsan xaalada soomaalida Denmark iyo arimahan ku soo cusboonaaday. la soco Radiohormuud saacadaha soo socda.
|