 Denmark: 60.000 oo dhallinyaro ah ayaa dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare afartii sano ee ugu danbeeyay, laakiin may sii wadin waxbarashadii.
Lama oggolaan karo, ayay qabtaa wasaaradda cilmibaadhista iyo waxbarashada. Sidaas awgeed waxa dhallinyarada maalmaha soo socda boosta ugu iman doonta waraaq.
Waraaqda waxa ku qoran dhiirrigelin, inay dib isu soo habeeyaan oo waxbarashada sii wadaan. Gaar ahaan dhallinyarada ayay tahay, inay dib isu soo habeeyaan.
Halka boqolkiiba 53 dadka waxbarashada sare u gudbay dumar yihiin, waxa hoos u dhacay tiradii raga oo boqolkiiba 37 keli ah.
Waxa qortay : Karen Nielsen
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban |