 RH:Kulan madaxeedka urur goboleedka IGAD ayaa iminka si rasmi ah uga furmay magaaladda Nairobi,iyadoo ay ka qaybgalayaan hoggaamiyayaal afrikaan ah oo lagu wado in ay ka wada munaqashoodaan arrimaha sudan iyo dalka somaliya
Wariyaha radiohormuud ee Nairobi oo kulankaasi ku suggan ayaa waxuu sheeggay in goobta shirka uu ka socdo ay iminka ku suggan yihiin madaxwaynayaasha dalalka Jabuuti,Uganda,Sudan,Kenya,Ethiopia iyo waliba dalka somaliya oo uu u matalayo ra”isul wasaaraha somaliya cumar c/rashiid ali Sharma”ake oo soo gaaray Nairobi ka hor furitanka kulan madaxeedkani,Waxa saraakiil ka tirsan urur goboleedka IGAD ay u sheeggeen manta idaacadda radiohormuud xafiiskeeda Nairobi in ajandayaasha kulankan horyaalla ay ka mid yihiin somaliya iyo dalka sudan,waxaanna sidoo kale looga arrinsan doonaa cunaqabataynta qaramadda midoobay iyo midowga afrika ay horray u saareen dawladda dalka Eritrea
Furitaanka kulankan ayaa wadaa ka hadlay madaxwaynaha dalka Kenya mwai kibaki oo sheeggay in shan sano ka hor magaaladda Nairobi lagu saxiixay heshis dhexmaray dawladda sudan iyo waliba kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeedo,madaxwayne kibaki ayaa u sheeggay hoggaamiyayaasha IGAD in ay qayb lixaad leh ay ka qaataan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka sii xoogaysanaya ee ka taaggan gobolka darfuur ee galbeedka dalka sudan
Madaxwaynaha dalka ayaa sheeggay in dawladiisa ay gacan wayn ka gaysan doonto u gargaarida dadka reer sudan,
Sikastaba ha ahaatee kulankan ayaa waxaa lagu wadaa in galinka dambe ee manta laga soo asaaro warmurtiyeed ka hadlaya arrimaha somaliya iyo dalka sudan,iyadoo goobtaasi uu sidoo kale jooggo ra”isul wasaraha dalka itoobiya meles zanawi iyo saraakiil sar sare oo ka socda midowga afrika iyo qaramadda midoobay .
Murasal Quule
Radiohormuud.
Nairobi |