 Xaaladda magaalada Muqdisho ee maanta ayaa waxaa hareeyay dagaalo hubka cul-culus la'isku adeegsaday oo u dhaxeeyo dhinacyada iska horjeeda ee dowladda KMG iyo xoogaga hubeysan. Jawiga magaalada ayaa weli kacsan ilaa waabarigii hore ee saaka markaasoo uu qarxay dagaal ku bilawday tiro madaafiic ah.
Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Hotel Global iyo aaga Liido, wuxuuna sii xoogeystay dagaalku daqiiqado ka dib iyadoo tiro hoobiyeyaal ah iyo hubka cul-culus lagu garaacay goobo ka baxsan aaga dagaalka.
Afhayeenka al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo hadal siiyay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda KMG fariisimo ay degnaayeen isagoona tilmaamay weerarkaasi inay qasaare baaxad leh ugu geesteen.
Dowladdana KMG afhayeenkeeda wasaaradda warfaafinta, C/risaaq Maxamed Qeylow ayaa wuxuu xaqiijiyay inay jiraan tiro ka mid ah askarta dowladda oo ku geeriyootay dagaalka maanta iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay.
Waxaa sidoo kale uu sheegay C/risaaq Qeylow inay jiraan waxyeelo badan oo ciidamada dowladda KMG gaarsiiyeen xoogagii ay la dagaalamayeen ee al-Shabaab, sida uu yiri.
Madaafiic dhowr ah ayaa waxaa ay ku dul dhaceen xaafado ku yaala degmada Kaaraan halkaasoo ay ka dhaceen qasaaraha ugu badan ee ka dhashay dagaaladii maanta, waxaana saraakiisha gawaarida gurmadka deg-deg ay ku warameen inay qaadeen tiro badan oo caruur dhaawayo kala duwan ka soo gaaray duqeymihii saaka ilaa duhurkii ka socday waqooyiga magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen oo dhammaaantood ah rayid dagaalka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo uusan jirin warar madax banaan oo ka waramaya qasaaraha kala gaaray garabyada dagaalamayay.
DUQEYMIHII GALABTA
Galabta ayaa madaafiic cul-culus oo duqeymo ah waxaa lala beegsaday xaafad ku taala degmada Yaaqshiid waxaana ka dhashay qasaare lixaad leh oo soo gaaray dad shacab ah.
Sida ay ku warameen dadka degan xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid ayaa halkaasi waxaa ku geeriyooday 10 qof inka badan, iyadoo ay dhici karto inuu qasaaraha sii kordho marka loo eego duqeymaha galabta dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa xilligan (05:00pm) waxaa ay u muuqataa mid yara degan inkastoo deganaanshahan uu yahay mid aan la'isku haleen karin, wuxuuna ku soo beegmay dagaalku iyadoo mudooyinkii u dambeeyay la hadal hayay lagana cabsi qabay dagaalo noocan ah in ay ka qarxaan magaalada Muqdisho gudaheeda.
Stuudiyaha Saddexaad,
Radio Hormuud - Muqdisho |