 Kamaal Cumar Yuusuf oo ahaa maxbuuskii , shalay duhurkii ka baxsaday cisbitaalka dhimirka ayaa goor dhawayd lagu qabtay dukaan ku yaala gudaha magaalada Alborg, Kamaal oo soomaali ah da,diisana lagu sheegay 28 jir ayaa loo qabtay 27.01.10 dilkii sarkaalad Denish ah ooMagaceeda la odhan jiray Birthe Christiansen kana tirsanayd gollaha degaanka ee degmada Holstebro oo ku taala waqooyiga Denmark. sidoo kale waxa ay ahayd hawaynaydaasi kal kaaliyaha arimaha bulshada gaar ahaan suuqa shaqada ee isla degmadaas,
qabashada maxbuuskan ayaa ka dambaysay 24 saacadood si buuxda boliiska noocyadiisa kala duwani baadhitaan xoogan uga sameeyeen guud ahaan gobalka uu ku baxsaday iyo waliba saxaafada gaar ahaan TV yada dalka oo dhan oo laga baafiyay sawirkiisa , warkana saacad walba lagu soo darayey wararka TVga iyo Raadiyaha cidii aragta Somaali leh magacaas muuqaalkaas iyo astaamahaas ay u soo sheegaan boliiska . Booliisku waxa uu sheegay in aanay wax dhibaato ah kala kulmin qabashadiisa inkasta oo uu sitay midi wayn xiligii la qabtay.
arinkani waxa uu walaac ku beeray dadka soomaalida ah ee ku nool Denmark , oo aad moodaysay in mudooyinkan dambe uu siyaabo kala duwan oo aan wanaagsanayn magacoodu ugu soo baxayey saxaafada.
waxa se taas ka sii daran soomaalida Denmark oo aan lahayn talo midaysan iyo dalad xidhiidhisa toona, taa soo aad moodo in ay qaynsanaantoodu salka ku hayso siyaasada jahawareersan ee ka jirta dalkii ay ka soo haajireen. |