BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
13 visitors online
Total visits: 154892
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Radiohormuud TV
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Halganew
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
NEW. Hayaan.com


Barnaamij xiiso leh oo ay VOA ka diyaarisay . Xaalada Somaliland shalay iyo maanta .


02.Ju.10. Silaayo oo ka hadlay dawlada uu soo dhisi doono.Faysal C.Waraabe oo ka digay in aan la bililiqaysan hantida dalada inta lala wareegayo.


Xafladii laga dhawaaqay Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Axmed Silaanyo.


01.July.10 Madaxweyne Riyaale oo Raaligalin ka bixiyay hadalkii Xalay . Kuna celiyay markale in uu si sharafleh xilka u wareejindoono hadii laga guulaysto.


30.Jun.10 Kulmiye oo ka jawaabay ee dayntii galabta ka soo yeedhay Udub.


Waraysi aanu la yeelanay xoghaya arimaha dibada Kulmiye. Dr. Maxamed Cabdillahi


Wararkii ugu dambeeyay tirintii codadka doorashada SL . source BBC


29 June 2010. Dagaal qasaaro badan ka tagay oo Al-Shabaab iyo dowladda ku dhex maray magaalada Muqdisho.


Hees cusub oo dhaanto ah . Dhagaysi haboon


29.Juni.10 Bashkas iyo Cabdirasaaq oo wada taagan. Dhegayso Macanaha Magaca Bashkas Jugsoo dhacay.


28.Jun.10 Ururka Xisbul Islaam oo mamnuucay in loo dabaal dago xuska maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo

Wargelin: KU SOO DHAWOOW MAR KALE IYO WARARKII TALANTAALIGA AHAA EE AAD NOOGA BARATEEN - Riix oo daawo maqal iyo muuqaal aanu idiinka soo diyaarinay mudaharaadkii xisbiyada mucaaradka Somaliland - Maxamed Saleebaan Tubeec oo waraysi khaas ah siiyey Radiohormuud. Dhegayso - Waxaanu dib u bilawnay barnaamijka figrada iyo faalada dhegaystaha hadab soo gubi hada doodaada oo noo far Telefoonka 45-75541033 -
Hormuud News     Monday, September 6th, 2010 | 20:13
[Friday, March 12th, 10] :: “Xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa in Koonfurta Shirweyne loogu qabto Magaalada Hargeysa” Dr. Cali Khaliif Galaydh
news image

“Puntland laftiisa ayaanay ka madhnayn in ay go’do oo Somaliland uga orod badan inay go’do”

“Waan ka qayb galay shirarkii Burco iyo Borama, Somaliland-na hadda 19 sanno ayay jirtaa ee si dadka reer Somaliland u dan ah ha la yeelo”

“Waxaynu ognahay in Somaliland lafteeda dan leedahay oo ay uga baahi badan tahay”

 Ra’iisal-Wasaarihii Dawladdii Carta ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallaydh, ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Somaliland lagala hadlo sidii Shirweyne loogu qaban lahaa Hargeysa, iyada oo la waafajinayo danaha Somaliland, isla markaana sheegay in maamul-gobolleedka Puntland uu u ordayo sidii uu uga go’I lahaa Koonfurta Soomaaliya.
Cali Khaliif Gallaydh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa dhaliilay hab uu sheegay inay ka jirto Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Koonfurta Soomaaliya, taas oo la xidhiidha in lacag lagu qaato Ciidan aan jirin oo Mushahar loo qoro. “Somaliland iyo Puntland waxa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato..Miisaaniyadda Somaliland ma arag sanadkii ilaa labadii sanno ee u dambeeyay oo malaha maba jiro, laakiin way jirtaa Ciidankaas oo dadka ayaa lagu naas-nuujiyaa. Miisaaniyadda Puntland-na waan ogahay oo iyana way ka jirtaa.” Ayuu yidhi Cali oo isaga oo ku sugan magaalada London Waraysi khaas ah siiyay Telefishanka UNIVERSAL.


Cali Khaliif Gallaydh wuxuu sheegay in Xalka Soomaaliya uu ku jiro in iyada oo Somaliland danaheeda la fulinayo Umadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Shirweyne loogu qabto Magaalada Hargeysa. “Meelaha qaarkood laga raadinayo xalka Soomaaliya in ay Hargeysa ka mid noqon karto ayaan qabaa, inta marba Gogol la dhigi lahaa meel aan dalka, dhaqankii iyo dadnimadii aanay oolin oo lagu qabanayo Shirar, in Hargeysa lagu qabto ayaa wax badan uga suurtogalsan. Laakiin, waa haddii rag ka fikiraan oo iyaga oo is-cunsiinaya danta Somaliland iyo danta Umadda Soomaaliyeed ee kale lagala hadlo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif Gallaydh, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sababtoo ah, waynu ognahay Somaliland lafteeda ayaa dan leh oo uga baahi badan. Anigu waan ka qayb galay shirarkii Burco iyo Borama ee lagaga dhawaaqay Somaliland, hadda 19 sanno ayay maraysaa (jirtaa Somaliland). Markaas si dadka reer Somaliland u dan ah ha la yeelo.”


Mar uu Cali Khaliif ka hadlayay qaddiyadda Madax bannaanida Somaliland wuxuu sheegay in aanay ahayn in la qasbo, isla markaana wuxuu ka hadlay gobolka Sool oo uu sheegay in Xukuummaddu ka qaaday tallaabooyin isaga qalad ula muuqday. “Anigu ma qabo in cidna la qasbo. Laakiin, sidii aan u diidanaa Diyaaradihii iyo Ciidamadii garaacayay Hargeysa (waqtigii Siyaad Barre), ayaan u diidanahay waxyaabaha aragtidayda ka socda Laascaanood.” Ayuu yidhi Cali Khallif. Hase yeeshee, mar la waydiiyay in marka uu ka hadlayo Laascaanood ay tahay ujeedadiisu in uu u dhashay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Maaha waan u dashay ee waxaan noqonayaa qof fikirka aan qabo (Soomaaliweyn) ay dhab ka tahay.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waagii hore waxaan ogaa Somaliland oo tidhi waan goosanay, Puntland laftiisa ayaanay ka madhnayn oo uga orod badan (Somaliland) in uu go’o. Waxaanan qabaa haddii dhulkooda ay nabad ka dhalinayaan (Puntland iyo Somaliland) oo aanay cidna wax ka qabin in loo daayo iyaga ayaa u faro-dhuudhuuban.”


Cali Khaliif wuxuu naqdiyay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya. “Kornayllo Itoobiyaan ah ayaa dhex fadhiya Garowe iyo Hargeysa, Koonfurtana iskaba daa hadalkooda. Kuwaasina mid iyo laba toona maaha. Kama hadlayo oo in xidhiidh la yeesho lama diidin, gaar ahaan in Somaliland xidhiidh ka raadiso Itoobiya waa wax aan garan karo, laakiin waxa ii muuqata in wixii ay Soomaalidu lahayd ay meesha ka baxdo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.


Gebogebadii, Cali Khalliif oo wax ka dhiga Jaamacad, ayaa mar la waydiiyay in uu Siyaasadda ka baxay iyo in kale, ayaa wuxuu sheegay hadda uu hawl-gab yahay, isla markaana uu kaba fadhiistay Macallinimada Jaamacadda. “Siyaasadda Soomaalidu Albaab laga galo ayay leedahay ee Albaab laga baxo ma leh oo meel uun baa la dhex wareegaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cali Khaliif.

source: Ogaal

posted on Friday, March 12th, 10

  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Boqolaal ciidamo Al-Shabaab ah oo dhoola tus milatari ku soo bandhigay magaalada Muqdisho xilli xaalad dagaal ah weli lagu jiro 05 Sep. 2010


03.09.10 Madaxweyne Axmed Silaanyo oo ku baaqay maanta Olole nadaafadeed.


Dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhacay suuqa Bakaaraha xilli maalintii 10aad dagaal uu ka socdo magaalada Muqdisho 02 Sep. 2010


01.Sep.10 : Jama Maxamed cabdi oo waxka barta dalka Kenya oo u waramay Radiohormuud


31.08.10 Barnaamijka Neecawda Ramadaanka. Dhegaysi haboon


30.08.10 Sheekh Shariif oo caalamka ka codsaday in si degdeg ah u soo fara geliyaan arrimaha Soomaaliya, xilli dagaalo culus ay ka socdaan Muqdisho maalintii 8aad


Tacsi: Cabdilaahi Askar oo geeryooday.


27.08.10 War muhiim ah oo hada Kenya naga soo gaadhay


26.08.10 Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Magaalada muqdisho halkan ka dhegayso


Filim laga daba dhacay oo ka socda Soomaaliya . dhagayso jilayaasha iyo cidii diiday daawashadiisa oo la xidh xidhay.


Ciyaaro kubada cagta ah oo ka socda Nairobi. Kenya


Xadiis ku saabsan bishan barakaysan ee Ramadaan


23.08.10 Wararkii maanta nag soo gaadhay xafiiskayaga dalka Kenya.


23.08.10 Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya.


22.08.10 Marxab marxab yaa Ramadaan. Qasiido nabi amaan ah


20.08.10 Garaad Abshir oo baaq u jeediyay Maamulka Somaliland.


20.08.10 Safaaradii somaliya oo Nayroobi oo la raray


18.08.10. Sheeko dareen iyo waliba xiiso leh. Dhegaysi haboon


Dibadbax ka socda Muqdisho, iyo Madfac 9 qof isku qoys ah ku dilay waqooyiga Muqdisho. 05 July 2010


Qarax 5 qof ku dilay gudaha degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho 04 July 2010