 Denmark: Waxa muddadii ugu danbaysay si xoog ah kor ugu kacday tuugada ka dhacda jidadka dadku maro ee Kobanheegan.
Sannadkii 2008 waxay tuugada noocaasi ahayd 653, halka ay 980 jeer ka dhacday sannadkii 2009, ayuu qoray wargayska Berlingske Tidende.
Nabadgelyada la adkeeyay oo tuugadii rartay
Sababaha lagu sharxi karo, in tuugadii jidadka u soo baxday waxa ka mid ah, in xoog loo adkeeyay nabadgelyada dukaamada iyo baananka, ayuu qabaa taliyaha bilayska Bent Isager-Nielsen.
- Marka meel nabadgelyadeeda la adkeeyo, denbiilayaashu waxay u digarogtaan meelo kale, ayuu ku yhdi Avisen.
calafka yar baa tuugada badiyay
Wadarta tuugada ka dhacda jidadka Kobanheegan si xad dhaaf ah ayay kor ugu kacday.
Kor u kaacu waa boqolkiiba 50 muddo laba sano ah, waxana sidoo kale lagu sharxi karaa dukaamada iyo baananka oo nabadgelyadoodii la adkeeyay.
- Dukaamada iyo baananka waxay tuugtu ka heli jireen lacag badan, laakiin hadda waxa lagu qasbay, inay wax yar hungureeyaan, oo calaf yar helaan. Sidaas awgeed waxa ay ku qasban yihiin tuugo badan, ayuu yidhi taliyaha bilayska Karl-Erik Agerbo oo ka tirsan bilayska woqooyiga Shiilland.
Waxa qoray: Erling Thisted
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban
|