 Kobenhagen: Hadda waa diyaar qorshihii laga sugayay dawladda muddada dheer ee la xidhiidhay, sida looga caawinayo magangelyodoonku inay ka baxaan xeryaha. Sidaas waxa ka war helay DR Nyheder.
Dawladda ayaa isku dayaysa, inay fuliso ballanqaadkii doorashada ee la xidhiidhay, in magangelyodoonka aan lagu celin karayn dalkooda lagaga saaro xeryaha muddo lix bilood ah.
Uma cuntamayso xisbiga enhedslisten
Laakiin ajandaha dawladda ayaan u cuntamayn xisbiga Enhedslisten, oo isaga iyo Libaral Alliance ay dawladda kala qaybqaadanayaan heshiisha kama danbaysta ah.
Dawladda ayaa wadata in xeryaha laga soo saaro keli ah kuwa saxeexa, inay iskood u dhoofayaan. Waxa dhiman qaar badan, oo xukunkoodu adag yahay, oo xeryaha ku jiray sannado badan, ayay qabaan xisbiga Enhedslisten.
Keli ah qaxootiga ka yimi dalalka ay xun tahay nabadgeyadoodu, ee hayadda racfaanka qaxootigu joojisay celintooda, ayaa laga soo saari karaa xeryaha, iyagoo aan saxeexin inay iskood u dhoofayaan. Hadda waxay noqonayaan uun qaxootiga Suuriya.
Ciraaqiyiinta laga soo saari maayo
Waxa kuwaas xaaladdoodu ka duwan tahay ciraaqiyiinta, oo ay ka bilaabantay doodda magangelyodoonka ku jira xeryaha, kuwaasoo sannado badan ku jira xeryaha kana qaaday cudurro nafsi ah, sida la sheegayna kuwaasi hadda laga saari maayo xeryaha.
Dawladdii hore ayaa samaysay nidaam wax laga qabanayo dhibaatadaas ka hor doorashadii 2007. Taasi waxay keentay 16 qoys oo hadda ka baxay xeryaha. Nidaamkaas ayaa sii shaqaynaya, sidu ka warhelay DR Nyheder.
Ajandaha dawladda ayaa laga yaabaa in fursad la siiyo, oo laga dhaafo qoysaska carruurta leh shardiga ah, inay iskood u dhoofayaan.
Hindisaha oo ka kooban warbixin 200 bog ah ayaa maanta duhurka lagu baahinayaa bogga intarnetka ee wasaaradda caddaaladda. Dawladda ayaa rabta, in heshiiska la meelmariyo xagaaga ka hor.ed
DHANKA KALE
codbixiyayaashii ayaa ka dareeraya xisbiga Sooshal dimuqraadiga. Xaaladda xisbiya ayaa aad u liidata, waayo labada garab ee baarlamaka ayaa looga kala dhaqaaqay. Sidaas waxa muujiyay xisaabo ay sameeyeen laanta falanqaynta ee DR, oo ku salaysan ra'yiururin cusub ay samaysay Epinion.
Ra'yiururinta ayaa xisbiga Sooshal dimuqraadigu ka helay codadka boqolkiiba 17,5, halku doorashii sebtambar 2011 ka helay boqolkiiba 24,8.
Xisbiga Libaraalka oo ka noolaaday codadka
- Gaar ahaan xisbiga Libaraalka ayaa codad badan ka qaatay xisbiga Sooshalka. Taniy doorashadii dhawayd ilaa 85.000 oo codbixiyayaasha ayaa ka baxay xisbiga Sooshal dimuqraadiga oo galay xisbiga Libaraalka, ayuu yidhi Kenneth Thue Nielsen, oo ah madaxa falanqaynta ee DR Nyheder.
Xisbiga Libaraalka ayaa horumarayn gaadhay, isagoo codad badan ka qaatay dhammaan xisbiyada baarlamanka.
- Marka laga reebo xisbiyada Enhedslisten iyo Liberal Alliance, xisbiyada kale ee baarlamanka ku jira intooda kale codad ayuu ka qaatay xisbiga Libaraalku, ayuu yidhi Kenneth Thue Nielsen.
- Gaar ahaan daddoortay dawladda ayaa xisbiga Libaraalku ka qaatay codad badan, oo ku sameeyay horumar aad u wayn. Libaraalka ayaa intii doorashada ka danbaysay ka qaatay codbixiyayaashii dawladda u codeeyay ilaa 170.000 oo codbixiye.
Enhedslisten oo ka kalluumaysanaya garabka bidix
Tiro ka badan 120.000 oo codbixiye ayaa taniyo doorashadii ugu danbaysay codkooda ka wareejiyay xisbiga Sooshalka ama SF-ta oo u wareejiyay xisbiga Enhedslisten.
- Guusha wayn uu gaadhay xisbiga Enhedslisten wuxu ka garoocday xisbiyadii garabka bidix, ayuu yidhi Kenneth Thue Nielsen.
- Guusha wayn ee xisbigu gaadhay waxay ku salaysan tahay codbixiyayaal doorashadii dhawayd u codeeyay xisbiga sooshalka ama SF-ta.
source.dr.dk
Tarjumaada: Axmed Aw Diiriye |