 Paris (RH) Maxkamad ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa xukunno u dhexeeya 4 illaa 10-sano ku ridday afar nin oo Soomaali ah oo lagu helay fal burcad badeednimo.
Labo kale ayaa la iska siiyay markii dambi lagu waayya, xeer beegtida dacwada ayaa codsatay in ka badan 15-sano lagu xukumo nin
Xukunka maxkamadda ayaa yimid kaddib markii ragga burcad badeedda ah lagu helay inay ku lug lahaayeen weerar iyo afduub loo geystay markab nooca dalxiiska ah oo ay Faransiisku leeyihiin oo lagu magacaabo Le Ponant
Ragga burcad-badeeda ayaa qabsaday markab oo ay la socdeyn30-qof isagoo xilligaas maraayay biyaha gacanka cadmeyd bishii April 2008 waxana ay dalbadeyn madax-furasho.
.
Mid ka mid ah ragga la xukumay oo lagu magacaabo Ismaaciil Cali Samatar ayaa lagu riday 10-sano oo xarig ah markii uu qirtay in uu ahaa burcad badeed, saddexda nin ee kale ayaa lagu kala xukumay min afar ilaa toddoba sano.
Ciidamada Faransiiska ayaa qabtay lixda nin ee afarta ka mid ah la xukumay wax yar kaddib markii lacag madax furasho oo dhan $2.15 milyan laga qaatay markabka ay qafaasheen, waxana ay da'da u dhexeysaa 25 ilaa 50.
Seddax ka mid ragga ka xukumay ayaa beeniyay in ay marbana cagta saarin markabka.
Labada sii daayay ayaa da'dooda ay aad u yareed waxana afar-sano ay ku qaateyn xabsi Faransiiska uu ku lee yahay Paris,
Gud ahaan 22-Soomaali ah oo ku eedeesan falal burcad-badeednimo ayaa ku xiran dalka Faransiiska.
Sanadkii la soo dhaafay ayaa maxkamada ku taalo Paris waxa ay shan nin oo Soomaali ah ku xukuntay xasbi u dhexeya afar iyo ilaa siddeed sano, kaddib markii ay afduubteyn markabka Carre d'As oo maraayay biyaha Gacanka Cadmeyd bishoo September 2008.
|