BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
8 visitors online
Total visits: 416331
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr02:51
Shuruq04:41
Dhuhr13:08
Asr17:32
Maghrib21:33
Isha23:15


Heesta todobaadka. codkii Fuaad Cumar iyo Heesta Sarbeeb


Munaasibad lagu Xusayey Maalinta Shaqaalaha Oo lagu Qabtey Magaalada Hargeysa


Itoobiya iyo Somaliland oo shir ugu soo gabagaboobay Hargeysa


Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyayaasha Ciidama Oo Warbixin Siiyey Golaha Wakiilada


Wasiirka Warshadaha Somaliand Oo Soo Dhaweeyey Hadalkii Dhawaan ka Soo yeedhay Pro:Samatar


Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Xarunta jaamacada Beder tababar uga soo xidhay Macalimiin Quraan


koofurta waxaa laga rabaa in ay banaanka soodhigaan waxay hibaynayaan. Prof.Samatar


Gudomiyaha Ururka Qareenada Gobolka Sanaag Oo Ka War Bixiyay Safar Uu ku Soo Marey Degmoyinka Gobolka Sanaag


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka hadley Furitaanka Talaalka Cudurada Dilaaga ah


Faysal Cali Waraabe Oo ka Hadley Shirkii Turkiga iyo Kulan uu la yeeshay Ugaaska Beesha Ciise iyo Arimo Kale


Gudida Wanaag farista S/land oo Golaha Guurtida u gudbiyey Codsi la xidhiidha in la sameeyo xeer lagu xukumo qofka aflagaadeeya diinta

Wargelin: - KU SOO DHAWOOW RADIO HORMUUD XARUNTA WARARKA SUGAN SIFEEYAHA XAQIIQDA. - - -
Hormuud News     Friday, May 24th, 2013 | 03:17
[Tuesday, June 19th, 12] :: SHARKA QABYAALADA

Share |
news image

Qalinkii Maxamud Cumar Maygaag: Ayaamahan danbe waxa warbaahinta Somaliland, saxaafada iyo Tv yadaba aad ugu soo batay shaygii la odhan jiray ” haddaanu nahay reer hebel” – Mr. Dhanxiir iyo Mr. Qabiil ayaa dhawaan kala saxeexday heshiisyo Somaliland lagaga hirgelinayo mashaariic ku saabsan kobcinta iyo horumarinta Qabyaaladda, waxanay gacanta ku dhigeen ummaddii Somaliland.

 

Qabyaaladdu wanaag iyo xumaan ba way leedahay – Illaahay Quraankiisa wuxuu inoogu sheegay in qabaa’il iyo shucuub la inooga dhigay si aan isku barano laakiin wuxuu raaciyey intaa keena ugu sharafta mudani in uu yahay keena ugu Allah ka cabsiga badan. Maanta waxaynu arkaynaa qabyaaladdii oo iyadoon biyo is marin lagu faanayo, lagu camal falayo loona baratamayo. Qabyaaladdii oo siyaasaddii Somaliland iyo mujtamacii oo aanay awal ba ka maqnayn si xun ugu dhex milantay. Nabigu “scw” wuxuu ku tilmaamay qabyaalda shay uraya oo qadhmuun. Tima cadana waa kii hore inoogu sheegay in ayna dugsi lahayn qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. “Allow yaa naga furdaanshoo qabyaaladda naga fogeeya” waa erayo ka mid ah hees aanu soo saarnay wakhtigii dagaalada sokeeye oo cambaaraynaysa qabyaaladda. Waxaynu gaadhnay hadaynu isku sheegaynu ummad midaysan oo is jecel wakhtigii aynu dadkeena ka xorayn lahayn jahliga qabyaaladda ee bal horta qof walowba isku fiirso oo eeg in aad qayb ka qaadato hirgalinta qabyaaladda ood laftaadu u baahan tahay in aad is yara maydho iyo in kale.

 

Xaga wanaaga qabyaaladda haddaan u soo kaco, dadkeenu waa dad gob ah oo dun wanaagsan, qabiilkuna marka loo isticmaalo sida diintu ina fartay waxbadan buu hagaajin karaa. Qabyaaladdu xasiloonida, amniga iyo amaanka ay Somaliland ku faanto qayb wayn bay ka ciyaartaa inkastoo ay sidoo kale intaba dumin karto. Soomaaliya maanta waxay la dagi laadahay oo burburka intan leeg ugu wacan waxa ka lumay qiimihii iyo tayaddii wanaagsanayd ee uu qabiilku lahaa ee dadka isku soo dhawayn jiray walaaltinimadoodana sugi jiray. Xaga horumarka, Somaliland maanta waxa ka jira intaasoo mashaariic oo horumar ah asaaskooguna yahay dad isku hayb ah oo badi qurba jooga reer Somaliland soo maal galiyaan. Dhaqankeena suuban qofku hadday dhibaato la soo daristo inta badan inta ehelkiisa ah ama ay isku qabiilka yihiin ayaa taakuleeya marka hore inkastoo inta badan aan loo kala hadhin. Sidaa darteed ma odhan karno qabiilku way shay foolxun mar walba. Dadka reer Somaliland waxay gaadheen heer ka sareeya ku dhaqan qabiil, waxay noqdeen bulsho u midaysan horumarka degaankooda, laakiin maanta wanaaggii ummadda Somaliland wuxuu ku dhaw yahay inuu burburo haddaynaan u gurman dhammaanteen.

 

Mushkiladda qabyaaladu waa marka aad iska dhaadhaciso in qabiilkaagu kuwa kale ka heer sareeyo, markaad iska dhaadhaciso in qofka aad isku qabiilka tihiin dadka kaloo dhan kaa xigo wanaag iyo xumaana ku raacdo. Marka ficiltan qabiil ku galo ee shaydaanku kaa dhaadhiciyo in qabiilkaagu qabaa’ilka kale dhexdooda ku dulman yahay lagana tagay. Marka daba-kawerwer siyaasadeed ku galo eed soo uruusato inta aad isku qabiilka tihiin adigoo u ololaynaya nin aad isku hayb tihiin in uu soo

baxo talada dalkana gacanta ku dhigo. Markaad waxaa soo dhan samayso adoon is waydiin qabiilkan dagaalka aad ugu jirtaa waxa uu nolol maalmeedkaaga shakhsi ahaan ku soo kordhiyo. Waa su’aale, miyeyna markaa ahayn in lagu dabiibo oo qabyaaladda qardhaas lagaaga dhigo?

 

Wanaaga iyo gobbanimadu waxay ku jirtaa in aynu shacab ahaan ka korno qabyaaladda keena cudurkeeda faafinayana iska qabano oo u caqli celino. Qabiilkaad ka dhalatay waa sumad aad leedahay oo sida la inoo sheegay aynu isku barano laakiin maaha astaan loogu talagalay in midkeen ka kale iska xigsado kuna soo dhawaysto waayo ummad Musim ah ayeynu nahay oo waxa la inoo sheegay in mu’miniintu walaalo yihiin midkoodna ka kale la jecel yahay waxa uu isla jecelyahay kursiga siyaasadana ku daroo.

 

Urur iyo Xisbi siyaasadeed qabiil ku dhisani ummadda Somaliland waxba uma soo kordhinayo. Hogaanka wanaagsan yeynaan ku dooran waa reer hebel eh aynu eegno diinta, aqoonta, dadnimada iyo daacadnimadiisa oo yeynaan durmaanka u tumin shakhsi aan ummadda waxba ugu filnayn.

 

Qofka saaxiibkaa ah eed meel ku soo wada korteen ayaa kaa xiga qofka aad isku haybta tihiin eed shalay baratay. Ka kor qabyaalada bana’aadamnimadaada iyo diintaada ayey wax u dhimaysaaye. Iska xoree oo uga dig inta aad garanayso ee si xun ugu dhaqanta. Ka fogow qofka reer hebel baynu nahay ka baayacmushtareeya. Aqoonyahan iyo indheergarad baan ahay, meel walboo qabyaalada inteeda foolxun lagu hadal hayana safka horaan kaga jirayaa hadal maahee meel sharaftaada ha kaga dhicin.

 

Aqoondarada iyo garasho la’aanta ka sakaw, qabyaaladdu waxay ka shidaal qaadataa cadaalad xumada. Sidaa darteed waa in aynu ummad ahaan marwalba ku dadaalnaa sidii aynu cadaaladda u ilaalin lahayn wax walbana uga horaysiin lahayn hirgalinteeda. Illaahay ummadda inta cudurka qabyaaladdu ku baahay ha ka daweeyo inta kalana ha ka badbaadiyo. Aamiin.

posted on Tuesday, June 19th, 12

  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

COMMENTS:


Sabaax Muuse
Tuesday 19 June 2012, 7:54 pm
SC. Walaal Maxamed waxaad diyaarisay maqaal qiimo iyo qaayo leh. ilaahay hakaa jazaai siiyo ankana inta ku camal fasha ha naga yeelo. Thanks


 

Would you like to comment?


Faalladaada ku qor halkan, si aanu ugu baahino dadweynaha




Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland iyo Safiirka Somaliland iyo Somalia U Qaabilsan Midowga Oo Si wada jira Ka Warbixiyey Kulan ku dhexmaray


Dhagayso: Suldaan Maxamed Sul: C/Qadir oo dhalliil kulul u jeediyey Xukuumadda


Siyaasiga Xasan Ciise Jaamac oo maanta BBC uga waramay sidii ay ku timid gooni isutaaga Somaliland


Dhagayso: Hadal Madaxweyne Siilaanyo xalay ka jeediyey Madaxtooyada


Dhagayso Khudbaddii Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Xuskii 18-ka May


Buslahada Ku Nool Degmada Salaxley Oo Si Mugleh Uga Qayb qaatey Xuska 18 May


Wasiir Xirsi oo ka hadlay waxa Gabayga ku kallifay


Barnaamijka Jimcaha ee Radio Hirad


HEES CUSUB: MURSAL IYO KHADRA. 18.MAY


Ku Xigeenka Xoghayaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadley Dilkii Ka Dhacay Burco Waraysi


Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Xog Waran ah la yeeshay Ardayda Dhigata Jaamacadaha Dalka


Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Dusha ka Saarey Rabshadihii Shalay ka dhacay Burco


Madaarka Hargeisa oo dib loofuri doona 20.Jun.2013


Wasiir Xagla-toosiye oo Sheegay inaanu jirin khilaaf ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo


Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Furey kulan la gaga Hadlayo Sixitaanka Siyaasada Qaranka


Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Ka Hadley Xeerka Caasimada iyo Mooshin la Horkeenay Wakiilada


Hees cusub oo loogu talagalay munaasibada 18.May.2013


Wasiirka Deegaanka Somaliland oo ka warramay dib-u-dhac Wasaaraddiisa hadheeyey iyo waxa u qabsoomay


Madaxwaynaha Somaliland oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay kana war bixiyay Safarkiisa


Wasiirka warfaafinta somalilad oo ka waramay arimo ay ka mid tahay ,sabata ay RadioHargeysa hawada ugabaxday.