 Cairo(RH) Madaxweynihii hore Masar Xusni Mubaarak ayaa isbitaal loola cararay kaddib markii ay halis gaartay xaaladiisa caafimaad.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaayo xaaladda caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak, qaar waxay leeyihiin wuxuu qarka u saaranyahey geeri.
Warar aan la hubin oo saaka ay baahiyeen warbaahinta Masar ayaa sheegay in uu geeriyooday Xusni Mubaarak oo 84-sano jir, dhawaana ay maxkamad ku taallo Qaahira ku xukuntay xabsi daa'in.
Waxa hadda uu jiifaa isbitaal Militryga uu lee yahay oo lagu magacaabo Maadi oo ku yaala caasimada Qaahir, waxa hadda la sheegay in uu ku jiro qolka degdega ee isbitaalka, waxana ku rakiban qalabka Oksijiinka oo tabarsiinaya nolashiisa, laakin wakaalada wararka dalka Masar Mena waxa ay si kooban u sheegtay in xaaladiisa halis ballaaran aysan ka jirin.
Dad taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda aya isugu soo aruurey banaanka cisbitaalka lagu hayo Mubarak.
Warkan ayaa ku soo beegmayo iyadoo xiisad ay ka taagan tahay dalka Masar, waayo doorashada madaxtinimada wareega labaad cida ku guuleesatay lama sheegin illaa hadda cida ku guuleestay doorashada, laakin Khamiista bari ayaa la shaacin doonaa waxana ay u badan tahay in ay ku guuleesteyn xisbsiga Ikhawaanul Muslimiinka.
Mubaarak bishan Jun 2-deeda ayaa lagu xukumay xabsi daa'in, kaddib markii lagu eedeeyay doorka uu ku lahaa dilka dibad-baxyaal xilka ka tuuray intii ay socdeyn sanadkii horre kacdoonadii carabta hasa ahaatee, tan iyo markii loo qaadey xabsiga waxaa la sheegayay in xaaladiisa caafimaad ay ka sii dartey.
Qaar badan oo dibad baxyaashii ka qeybgaley kacdoonkii ka dhanka ahaa Mubaarak waxa ay rabeen in lagu xukumo dil, in ka badan 30-sano ayuu talada dalka hayay.
Dibed-baxyada waxaa ka qeyb-qaadanayo taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo iyagu horey u sheegey in musharaxooda Maxamad Mursi uu ku guuleystey wareega labaad ee doorashooyinka.
Musharraxa la taretameyey Mursi, Axmed Shafiq, ayaa isaguna sheeganaya guul. Waxaa la filayaa in guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqaan natiijooyinka rasimiga ah maalinta Khamiista.
Habenkii Talaadada, labo sarkaal ayaa u sheegay Reuters in Mubaarak uu ku kordhay xanuunka xagga wadnaha kaddibna loola cararay isbitaalka lana jiifiyay qolka degdega oo uu hadda ku jiro Koomo.
|