 Burco(RH):- Hal Ruux ayaa geeriyooday, mid kalena wuu dhaawacmay, ka dib markii ay Ciidammada Booliska magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer fuliyeen hawlgal la sheegay inay ku doonayeen inay ku qabtaan mid ka mid ah labadaas qof.
Ninka Ciidanka Booliska magaalada Burco ee Somaliland ku dileen Xalay hawlgalka ay fuliyeen oo magaciisa la odhan jiray Muuse Jaamac, waxay sheegeen inuu ahaa nin ay in muddo ah raadinayeen, kaasoo markii la isku dayey in la qabto ay labada dhinac rasaas is weydaarsadeen, halkaasna uu ku dhintay marxuumkaasi, iyadoo sidoo kale uu booliskana ka dhaawacmay askari lagu la yidhaahdo Maxamed Xasan Cabdillaahi, waxaana lagu daweynyaa cisbitaalka Guud ee magaalada Burco.
Masuuliyiinta ciidanka booliska gobolka Togdheer, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan falka keenay dhaawac iyo dhimashada, isla markaana faahfaahin dheeraada ka bixiyaan kiiska loo haystay marxuumka dhintay ooh ore uga tirsanaan jiray ciidanka booliska Togdheer, gaar ahaan ciidanka nabadgelyada waddooyinka.#
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa/Somaliland.
|