 Hargeysa(RH):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo xalay cafis lagu soo daayey, ka dib markii uu xidhaa illaa bawlga bishii March 2012, isla markaana ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa xukun hal sano oo xadhig ah ku ridday 8-dii bishan July, ayaa maanta ka hadlay sida uu u arko soo deyntiisa.
Boqor Cismaan Buur-madaw, oo markii la xukumay ka dib loo dhaadhiciyey Xabsiga degmada Mandheera oo ka tirsan Gobolka Saaxil, halkaas oo xalay laga soo qaaday markii la sii-daayey. Hase yeeshee, Buur-madaw, waxa uu sheegay inaanu dib ugu noqonaynin nooca dhacdooyinka soo maray, maaddaama oo uu yahay nin wayn oo Oday ah oo wax kastaa soo mari karaan, sidaa daraaddeed-na, wax xumaan keeni kara ka hadlaynin. Waxaanu u mahad-celiyey cid kasta oo ka biyo-diidday xadhiggiisii, isla markaana cambaaraysay.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo maanta Warbaahinta ugu warramay magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Adeer wax xumaan ah ma doonayo in aan ka hadlo oo ummadda xumeeya, diyaar uma ahi taas. Oday ayaan ahay, odaygana waxa weeye marxalad kastaa way soo martaa, markaa, ma doonayo in aan maanta ka hadlo arrimahaas. Waana arrimo iska basiid ah si wanaagsan ayaanay wax waliba ahaayeen wax dhibaato ahna lamaan kulmin, caafimaadkaygu wuu fiican yahay.”
Cismaan Buur-madaw, waxa uu ku dooday inaanu doonaynin inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo, waxa soo maray, siday u soo mareen, sababta xadhiggiisa iyo sida uu ku soo baxay, waxaanu yidhi; “Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin, laakiin ma doonayo in aan wax faahfaahin ah bixiyo arrimaha xadhiggayga la xidhiidha. Wax dhibaato ah oo i soo gaadhay-na ma jiraan oo waxaan ahaa Boqor dadkiisii uu madaxda u ahaa gacanta ku hayaan. “
“Waxaan u mahad-celinayaa dadkii arrinkayga ka dedaalay iyo dadkii dhiidhiyay heer caalami ha noqoto ama Hay’ado badan oo caalamiya ah oo ka hadlay arrinkayga oo aad iyo aad uga hadlay, ha ahaato Somaliland gudaheeda ama Shacabka reer Somaliland Qurba-joogga Somaliland, Sallaadiinta, Madax-dhaqmeedka, Ganacsatada iyo qof kasta oo arrinkayga ka damqanayay aad iyo aad baan ugu mahad-celinayaa.”
Inkasta oo aanu Buur-madaw ka hadal cidda cafiska lagu soo daayey u fidisay, Xukuumadduna dhinaceeda aanay ka hadal, haddana warar-doceedyo, ayaa tibaaxaya in lagu soo daayey cafis uu u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la sheegay inay dhinacyo badan oo heer Caalami iyo gudaha-ba ahi culays ku saareen siiddeynta Boqor Cismaan Buur-madaw oo ay xadhiggiisa u arkayeen tacaddi Xuquuqda Aadamaha iyo Xorriyatul-qawlka Somaliland-ba ka dhan ah.
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa/Somaliland.
|