BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
14 visitors online
Total visits: 415969
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr02:54
Shuruq04:44
Dhuhr13:08
Asr17:31
Maghrib21:29
Isha23:11


Heesta todobaadka. codkii Fuaad Cumar iyo Heesta Sarbeeb


Munaasibad lagu Xusayey Maalinta Shaqaalaha Oo lagu Qabtey Magaalada Hargeysa


Itoobiya iyo Somaliland oo shir ugu soo gabagaboobay Hargeysa


Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyayaasha Ciidama Oo Warbixin Siiyey Golaha Wakiilada


Wasiirka Warshadaha Somaliand Oo Soo Dhaweeyey Hadalkii Dhawaan ka Soo yeedhay Pro:Samatar


Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Xarunta jaamacada Beder tababar uga soo xidhay Macalimiin Quraan


koofurta waxaa laga rabaa in ay banaanka soodhigaan waxay hibaynayaan. Prof.Samatar


Gudomiyaha Ururka Qareenada Gobolka Sanaag Oo Ka War Bixiyay Safar Uu ku Soo Marey Degmoyinka Gobolka Sanaag


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka hadley Furitaanka Talaalka Cudurada Dilaaga ah


Faysal Cali Waraabe Oo ka Hadley Shirkii Turkiga iyo Kulan uu la yeeshay Ugaaska Beesha Ciise iyo Arimo Kale


Gudida Wanaag farista S/land oo Golaha Guurtida u gudbiyey Codsi la xidhiidha in la sameeyo xeer lagu xukumo qofka aflagaadeeya diinta

Wargelin: - KU SOO DHAWOOW RADIO HORMUUD XARUNTA WARARKA SUGAN SIFEEYAHA XAQIIQDA. - - -
Hormuud News     Wednesday, May 22nd, 2013 | 01:41
[Sunday, July 29th, 12] :: Somaliland: Nin iyo Waagii !

Share |
news image

Hargeysa: Waa Warbixin kooban oo aan ku cabirayo aragtidayda mudo saddex todobaad ah oo aan somaliland ku suganahay.
Dalku waa nabad , waxaa da, roob wanaagsan mararka qaar, Hargeysa waa magaalo mashquulsan,
Dadku waxa ay u qaybsamaan mid bariiskiisii la lagdamaya, Mid waxbarasho ku mashquulsan,tiro yar oo shaqaysa. Iyo in badan oo shaqo la,aan gidaarada la fadhida.
Kolayba nolosha laga dayrin maayo oo miskiinkana ku dheh oo qofwaliba wax uu cuno ama cabo inta badan lama waayo.
Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland oo ay caadi ahaan nolosheedu qaali tahay, ayaa u muuqata mid dhaqaale badan lagu aaminay sannadahan u dambeeyay iyada oo maalgashigii ugu waynaana dhawaan laga hirgaliyay warshada Coca-Cola oo uu maalgaliyey ganacsade ka soo jeeda Somaliland .
Bartamaha Magaalooyinka gaar ahaan Hargeysa, waxaa ka socda dhismayaal dhaadheer oo marka ay dhamaadaan wax ka badali doona bilicda guud ee magaalada.
Waxaase ceebwayni ka taagantahay tirada baabuurta sii kordhaysa iyo wadooyin xumada.
Xadhkaha laydhka iyo telefanada ee sida qaabkadaran ninba dhanka uu doono u jiitay , qashinka iyo bacaha ayaa indhahaagu ka soo boodayaan.

bartamaha Hargeysa

nin aan filayo in uu xanuusanayo oo aan si kadis ah ula kulmay.( Yaase u cid ah )


 Geedka soomaalida lagu qaatay oo soo dhacay. oo daymo farxadleh lagu dhawrayo inta la kala tirsanayo.

 

Face- book
Waxa ay dadku si wayn u aamineen isticmaalka nidaamka ZAAD oo iyada oo la adeegsanayo mobileka lacagta la iskugu diro, biilasha lagu bixiyo, telefoonka iyo internetkana laga buuxsado marka ay minidadii aad isticmaalaysay kaa dhamaadaan.
Internetka ayaa aad loo isticmaalaa, goobaha netcafe yada meel la kala fadhiistaana xilliyada cawayskii ma jirto. Waxaana lagu daalacdaa qiime dhan 1 dollar saacadii.
Waxaan aad ula yaabay isticmaalka bogga xidhiidhinta bulshada ee FACEBOOK oo ahaa kan ugu badan ee ay dadku daalacanayeen. Dadkaas waxaa ka mid ahaa caruur da,ahaan jirta ilaa 11 sanno oo facebook u furnaa, waxa kale oo aan la yaabay sida ay caadiga u tahay in laba ama saddex lagu daalacdo hal shaashad koombuter.

Guryo la shiidayo.
Maadaama oo dhaqaalihii dadku kobcay waxaa ay dad badani dhisteen guryo waaweyn oo dayr leh, waxaan la yaabay markii gurigii aan ku jiray dhagax lagu soo tuuray si nalooga dalbado in aanu ka furno.
Iyo markii dhallinyaro aan la soday ay hal dhagax ku tuureen jiigadii guri ay booqasho ugu socdeen si ay u dalbadaan in laga furo .
Sababtu waa in ay adagtahay in qofka guriga gudihiisa ku jiraa uu garaacaaga maqlo iyo albaabka dibada oo aan lahayn aalad fududaysa ama dawan la soo garaaci karo.
Mar aan waydiiyay in loo sameeyo dawan la soo garaaci karo , waxaa la ii sheegay in ay ka cabsanayaan in lagu ciyaaro oo dhallinyarada iyo caruurta wadada maraysaa ay iska soo garaacdo.
Shilalka Baabuurta.
Sannad walba dad aad u tiro badan ayaa u geeryooda shillalka baabuurta dalka Somaliland. Shilalkaas intooda badani waxa ay ka dhacdaa gudaha magaalooyinka iyo waliba jidadka xidhiidhiya magaalooyinka waa weyn sida Hargeysa iyo Burco.
Todobaadkii ugu horeeyay bisha 07.2012 waxaa ka dhacay Somaliland 5 shil oo waaweyn oo ka kala dhacay wadooyinka xidhiidhiya . Hargeysa iyo berbera iyo Boorama iyo Jabuuti , bishiina waxaabay noqon karaan 15 shil oo ay dadka iyo gaadiidkuba ku baaba’aan. Hadii aanan qaldanayn waxaa shilalkaas intooda badan u sabab u ah , gaadiidka oo aan caafimaadkiisa la kaantaroolin, wadayaal aan khibrad lahayn, wadooyinka oo burbursan aadna u yar- yar iyo waliba dadka oo aan xidhanin suunka kursiga ku rakiban. IWM


Daaweynta.
Nidaamka daaweynta ee Somaliland oo guud ahaan aad uga soo raynaya marka loo eego toban sanno ka hor ayaa hadana wali liita, waana mid aad qaali ugu ah danyarta , maadaama oo isbitaalada intooda badani ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay. Ku waas oo daaweynta iyo dawaduba ay qaali tahay.
Mar aan booqday cisbitaal ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaan ku arkay boqolaal qof oo kuyuu ugu jira si ay u arkaan dhakhtarka iyo qolal yar yar oo ay jiifaan ilaa 4 bukaan ah , oo mid walba ay dul fadhiyaan ilaa afar qof oo dumar u badan oo soo booqday, waxaase iga sii yaabisay markii ay haweenay booliis ahi soo gashay oo ay koofiyadeedii la dhacday dumarkii ku dul sheekaysanayey bukaanka si ay u dareeriso.


Dhawaaqa Saameecadaha
Waxa aan la yaabay in ay masaajidadu tiro beeleen intooda badanina ay isu jiraan. 500m , masaajid waliba waxa uu leeyahay sameecad dhawaaq dheer, waxaa hadaba jirta in ay salaada casar ka dib masaajidadu bixiyaan casharo , kuwaas oo marka ay afarta masaajid ee hareeraha kaa xigaa uu midwaliba bilaabo casharka ay sameecadihii samaynayaan dhawaaq aad u dheer oo aan dhagaysigiisa laga faaidaysan Karin maadaama oo aad midba kalmad ka maqlayso, waxa kale oo aan layaabay caruur da,ahaan u dhaxeeya 5 – 8 sanno oo iyaga oo aan waalidkood la socon masaajidada camira.

 

 

mid ka mid ah daaraha quruxda badan ee dhismahoodu ka socdo Hargeysa.

Xab xabka oo si wanaagsan u soo go,ay sannadka , dadkuna aad u cuno xilliga afurka


Wax barashada.
Dhinaca wax barashada aad ayaa horumar looga sameeyay , waxaanu dalku hada guranyaa midhihii caruurtii dalka wax ku baratay oo soo qallin jabisay ku waas oo buuxiyay kaallin muhiima oo banaaneyd.
Sida caafimaadka iyo dibu dhiska iyo ganacsida iyo waliba adeega. Waxa kale oo dalka kaabay dhallinyaradii wax ku soo baratay dalka dibada sida India, malaysiya iyo waliba dalalka afrika iyo carabta.

La’ yaab.
• Waxaad la yaabi shirar iyo siminaaro tiro badan oo dhaca kuwaas oo af ingiriis ku baxa iyada oo laga yaabo in hal ama laba qof oo ajanabi ahi fadhiya dartood afqalaad lagu hadlayo si loo raali galiyo iyaga.

Maxaa diiday in uu afsoomaali ku baxo iyagana hoos ahaan loogu tarjumo, iyo madarisado iyo iskuulo af carabi wax barashada lagu gudbiyo maadaama oo manhajka lagu kabo waxoogaa dhaqaale aha oo carabta laga soo shaxaaday.

• Waxaad la yaabi basar xumada qaar badan oo ka mid ah wadayaasha iyo habdhaqanka silan ee wada maridooda. Iyada oo mid waliba ka ka kale uu wadada ka boobayo.
Hoonka baabuurta ee aan kala go a lahayn ilaa habeenkii, dadka oo aan baabuurta ka leexanin,

• Waxa aad la yaabi , qaabka qashin gurka magaalada, tusaale ahaan qashinka waxaa lagu qubaa meelo aad barkado moodid, taas oo marka aad aragto qaabka qashinka goobta looga rarayo aad la yaabi doontid.
Laba nin oo wada bood ah oo oromo la iigu sheegay ayaa majarafad ku fadhaya qashinka iyaga oo ku dul guraya waxa aad moodo jawaan kadibna laba dacal qabayaaan iyagoo ku saydhaya gaadhi isko roga korkeed ,
• Waxaad la yaabi sida hooyooyinku dhaqaalaha qoyska u soo saaraan, raguna u burburiyo.(Qaadka)
Waxaad la yaabi saxaafada oo wararka iyo macluumaadka ay bulshada u gudbinayaan u kala doorta , hadba midka dhadhan leh ee wax laga helyo tabintiisa, sida siyaasi, ama ganacsade raba in dacaayad loo baahiyo.

Waa inoo markale.
Qallinkii: Maxamed-Amiin Siyaad Cabdi

 

 

posted on Sunday, July 29th, 12

  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib


 

Would you like to comment?


Faalladaada ku qor halkan, si aanu ugu baahino dadweynaha




Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland iyo Safiirka Somaliland iyo Somalia U Qaabilsan Midowga Oo Si wada jira Ka Warbixiyey Kulan ku dhexmaray


Dhagayso: Suldaan Maxamed Sul: C/Qadir oo dhalliil kulul u jeediyey Xukuumadda


Siyaasiga Xasan Ciise Jaamac oo maanta BBC uga waramay sidii ay ku timid gooni isutaaga Somaliland


Dhagayso: Hadal Madaxweyne Siilaanyo xalay ka jeediyey Madaxtooyada


Dhagayso Khudbaddii Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Xuskii 18-ka May


Buslahada Ku Nool Degmada Salaxley Oo Si Mugleh Uga Qayb qaatey Xuska 18 May


Wasiir Xirsi oo ka hadlay waxa Gabayga ku kallifay


Barnaamijka Jimcaha ee Radio Hirad


HEES CUSUB: MURSAL IYO KHADRA. 18.MAY


Ku Xigeenka Xoghayaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadley Dilkii Ka Dhacay Burco Waraysi


Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Xog Waran ah la yeeshay Ardayda Dhigata Jaamacadaha Dalka


Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Dusha ka Saarey Rabshadihii Shalay ka dhacay Burco


Madaarka Hargeisa oo dib loofuri doona 20.Jun.2013


Wasiir Xagla-toosiye oo Sheegay inaanu jirin khilaaf ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo


Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Furey kulan la gaga Hadlayo Sixitaanka Siyaasada Qaranka


Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Ka Hadley Xeerka Caasimada iyo Mooshin la Horkeenay Wakiilada


Hees cusub oo loogu talagalay munaasibada 18.May.2013


Wasiirka Deegaanka Somaliland oo ka warramay dib-u-dhac Wasaaraddiisa hadheeyey iyo waxa u qabsoomay


Madaxwaynaha Somaliland oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay kana war bixiyay Safarkiisa


Wasiirka warfaafinta somalilad oo ka waramay arimo ay ka mid tahay ,sabata ay RadioHargeysa hawada ugabaxday.