 Hargeysa: Waa Warbixin kooban oo aan ku cabirayo aragtidayda mudo saddex todobaad ah oo aan somaliland ku suganahay.
Dalku waa nabad , waxaa da, roob wanaagsan mararka qaar, Hargeysa waa magaalo mashquulsan,
Dadku waxa ay u qaybsamaan mid bariiskiisii la lagdamaya, Mid waxbarasho ku mashquulsan,tiro yar oo shaqaysa. Iyo in badan oo shaqo la,aan gidaarada la fadhida.
Kolayba nolosha laga dayrin maayo oo miskiinkana ku dheh oo qofwaliba wax uu cuno ama cabo inta badan lama waayo.
Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland oo ay caadi ahaan nolosheedu qaali tahay, ayaa u muuqata mid dhaqaale badan lagu aaminay sannadahan u dambeeyay iyada oo maalgashigii ugu waynaana dhawaan laga hirgaliyay warshada Coca-Cola oo uu maalgaliyey ganacsade ka soo jeeda Somaliland .
Bartamaha Magaalooyinka gaar ahaan Hargeysa, waxaa ka socda dhismayaal dhaadheer oo marka ay dhamaadaan wax ka badali doona bilicda guud ee magaalada.
Waxaase ceebwayni ka taagantahay tirada baabuurta sii kordhaysa iyo wadooyin xumada.
Xadhkaha laydhka iyo telefanada ee sida qaabkadaran ninba dhanka uu doono u jiitay , qashinka iyo bacaha ayaa indhahaagu ka soo boodayaan.

bartamaha Hargeysa
.jpg)
nin aan filayo in uu xanuusanayo oo aan si kadis ah ula kulmay.( Yaase u cid ah )

Geedka soomaalida lagu qaatay oo soo dhacay. oo daymo farxadleh lagu dhawrayo inta la kala tirsanayo.
Face- book
Waxa ay dadku si wayn u aamineen isticmaalka nidaamka ZAAD oo iyada oo la adeegsanayo mobileka lacagta la iskugu diro, biilasha lagu bixiyo, telefoonka iyo internetkana laga buuxsado marka ay minidadii aad isticmaalaysay kaa dhamaadaan.
Internetka ayaa aad loo isticmaalaa, goobaha netcafe yada meel la kala fadhiistaana xilliyada cawayskii ma jirto. Waxaana lagu daalacdaa qiime dhan 1 dollar saacadii.
Waxaan aad ula yaabay isticmaalka bogga xidhiidhinta bulshada ee FACEBOOK oo ahaa kan ugu badan ee ay dadku daalacanayeen. Dadkaas waxaa ka mid ahaa caruur da,ahaan jirta ilaa 11 sanno oo facebook u furnaa, waxa kale oo aan la yaabay sida ay caadiga u tahay in laba ama saddex lagu daalacdo hal shaashad koombuter.
Guryo la shiidayo.
Maadaama oo dhaqaalihii dadku kobcay waxaa ay dad badani dhisteen guryo waaweyn oo dayr leh, waxaan la yaabay markii gurigii aan ku jiray dhagax lagu soo tuuray si nalooga dalbado in aanu ka furno.
Iyo markii dhallinyaro aan la soday ay hal dhagax ku tuureen jiigadii guri ay booqasho ugu socdeen si ay u dalbadaan in laga furo .
Sababtu waa in ay adagtahay in qofka guriga gudihiisa ku jiraa uu garaacaaga maqlo iyo albaabka dibada oo aan lahayn aalad fududaysa ama dawan la soo garaaci karo.
Mar aan waydiiyay in loo sameeyo dawan la soo garaaci karo , waxaa la ii sheegay in ay ka cabsanayaan in lagu ciyaaro oo dhallinyarada iyo caruurta wadada maraysaa ay iska soo garaacdo.
Shilalka Baabuurta.
Sannad walba dad aad u tiro badan ayaa u geeryooda shillalka baabuurta dalka Somaliland. Shilalkaas intooda badani waxa ay ka dhacdaa gudaha magaalooyinka iyo waliba jidadka xidhiidhiya magaalooyinka waa weyn sida Hargeysa iyo Burco.
Todobaadkii ugu horeeyay bisha 07.2012 waxaa ka dhacay Somaliland 5 shil oo waaweyn oo ka kala dhacay wadooyinka xidhiidhiya . Hargeysa iyo berbera iyo Boorama iyo Jabuuti , bishiina waxaabay noqon karaan 15 shil oo ay dadka iyo gaadiidkuba ku baaba’aan. Hadii aanan qaldanayn waxaa shilalkaas intooda badan u sabab u ah , gaadiidka oo aan caafimaadkiisa la kaantaroolin, wadayaal aan khibrad lahayn, wadooyinka oo burbursan aadna u yar- yar iyo waliba dadka oo aan xidhanin suunka kursiga ku rakiban. IWM
Daaweynta.
Nidaamka daaweynta ee Somaliland oo guud ahaan aad uga soo raynaya marka loo eego toban sanno ka hor ayaa hadana wali liita, waana mid aad qaali ugu ah danyarta , maadaama oo isbitaalada intooda badani ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay. Ku waas oo daaweynta iyo dawaduba ay qaali tahay.
Mar aan booqday cisbitaal ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaan ku arkay boqolaal qof oo kuyuu ugu jira si ay u arkaan dhakhtarka iyo qolal yar yar oo ay jiifaan ilaa 4 bukaan ah , oo mid walba ay dul fadhiyaan ilaa afar qof oo dumar u badan oo soo booqday, waxaase iga sii yaabisay markii ay haweenay booliis ahi soo gashay oo ay koofiyadeedii la dhacday dumarkii ku dul sheekaysanayey bukaanka si ay u dareeriso.
Dhawaaqa Saameecadaha.
Waxa aan la yaabay in ay masaajidadu tiro beeleen intooda badanina ay isu jiraan. 500m , masaajid waliba waxa uu leeyahay sameecad dhawaaq dheer, waxaa hadaba jirta in ay salaada casar ka dib masaajidadu bixiyaan casharo , kuwaas oo marka ay afarta masaajid ee hareeraha kaa xigaa uu midwaliba bilaabo casharka ay sameecadihii samaynayaan dhawaaq aad u dheer oo aan dhagaysigiisa laga faaidaysan Karin maadaama oo aad midba kalmad ka maqlayso, waxa kale oo aan layaabay caruur da,ahaan u dhaxeeya 5 – 8 sanno oo iyaga oo aan waalidkood la socon masaajidada camira.


mid ka mid ah daaraha quruxda badan ee dhismahoodu ka socdo Hargeysa.
.jpg)
Xab xabka oo si wanaagsan u soo go,ay sannadka , dadkuna aad u cuno xilliga afurka
Wax barashada.
Dhinaca wax barashada aad ayaa horumar looga sameeyay , waxaanu dalku hada guranyaa midhihii caruurtii dalka wax ku baratay oo soo qallin jabisay ku waas oo buuxiyay kaallin muhiima oo banaaneyd.
Sida caafimaadka iyo dibu dhiska iyo ganacsida iyo waliba adeega. Waxa kale oo dalka kaabay dhallinyaradii wax ku soo baratay dalka dibada sida India, malaysiya iyo waliba dalalka afrika iyo carabta.
La’ yaab.
• Waxaad la yaabi shirar iyo siminaaro tiro badan oo dhaca kuwaas oo af ingiriis ku baxa iyada oo laga yaabo in hal ama laba qof oo ajanabi ahi fadhiya dartood afqalaad lagu hadlayo si loo raali galiyo iyaga.
Maxaa diiday in uu afsoomaali ku baxo iyagana hoos ahaan loogu tarjumo, iyo madarisado iyo iskuulo af carabi wax barashada lagu gudbiyo maadaama oo manhajka lagu kabo waxoogaa dhaqaale aha oo carabta laga soo shaxaaday.
• Waxaad la yaabi basar xumada qaar badan oo ka mid ah wadayaasha iyo habdhaqanka silan ee wada maridooda. Iyada oo mid waliba ka ka kale uu wadada ka boobayo.
Hoonka baabuurta ee aan kala go a lahayn ilaa habeenkii, dadka oo aan baabuurta ka leexanin,
• Waxa aad la yaabi , qaabka qashin gurka magaalada, tusaale ahaan qashinka waxaa lagu qubaa meelo aad barkado moodid, taas oo marka aad aragto qaabka qashinka goobta looga rarayo aad la yaabi doontid.
Laba nin oo wada bood ah oo oromo la iigu sheegay ayaa majarafad ku fadhaya qashinka iyaga oo ku dul guraya waxa aad moodo jawaan kadibna laba dacal qabayaaan iyagoo ku saydhaya gaadhi isko roga korkeed ,
• Waxaad la yaabi sida hooyooyinku dhaqaalaha qoyska u soo saaraan, raguna u burburiyo.(Qaadka)
Waxaad la yaabi saxaafada oo wararka iyo macluumaadka ay bulshada u gudbinayaan u kala doorta , hadba midka dhadhan leh ee wax laga helyo tabintiisa, sida siyaasi, ama ganacsade raba in dacaayad loo baahiyo.
Waa inoo markale.
Qallinkii: Maxamed-Amiin Siyaad Cabdi
|