BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
11 visitors online
Total visits: 416097
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr02:54
Shuruq04:44
Dhuhr13:08
Asr17:31
Maghrib21:29
Isha23:11


Heesta todobaadka. codkii Fuaad Cumar iyo Heesta Sarbeeb


Munaasibad lagu Xusayey Maalinta Shaqaalaha Oo lagu Qabtey Magaalada Hargeysa


Itoobiya iyo Somaliland oo shir ugu soo gabagaboobay Hargeysa


Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyayaasha Ciidama Oo Warbixin Siiyey Golaha Wakiilada


Wasiirka Warshadaha Somaliand Oo Soo Dhaweeyey Hadalkii Dhawaan ka Soo yeedhay Pro:Samatar


Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Xarunta jaamacada Beder tababar uga soo xidhay Macalimiin Quraan


koofurta waxaa laga rabaa in ay banaanka soodhigaan waxay hibaynayaan. Prof.Samatar


Gudomiyaha Ururka Qareenada Gobolka Sanaag Oo Ka War Bixiyay Safar Uu ku Soo Marey Degmoyinka Gobolka Sanaag


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka hadley Furitaanka Talaalka Cudurada Dilaaga ah


Faysal Cali Waraabe Oo ka Hadley Shirkii Turkiga iyo Kulan uu la yeeshay Ugaaska Beesha Ciise iyo Arimo Kale


Gudida Wanaag farista S/land oo Golaha Guurtida u gudbiyey Codsi la xidhiidha in la sameeyo xeer lagu xukumo qofka aflagaadeeya diinta

Wargelin: - KU SOO DHAWOOW RADIO HORMUUD XARUNTA WARARKA SUGAN SIFEEYAHA XAQIIQDA. - - -
Hormuud News     Wednesday, May 22nd, 2013 | 20:15
[Tuesday, September 11th, 12] :: Xisbiga NEW UCID oo Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ku soo bandhigay 34 Musharrax oo Golayaasha Deegaanka u tartamaya

Share |
news image

Ceerigaabo(RH):- Xisbiga Mucaaridka ah ee New UCID, ayaa maanta 21 Musharrax ee golaha deegaanka degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag uga qaybgeli doona doorashada dawladaha hoose ku soo dhigay magaalada Ceerigaabo. Waxaanu Xisbigu sidoo kale soo bandhigay 13 Musharrax oo golaha deegaanka degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaas uga qaybgeli doona doorashadaas.


Wefti ka tirsan Xisbiga New UCID oo uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud (Gadh-weyne) oo safar ku marayey gobollada iyo degmooyinka Bariga Somaliland, ayaa maanta goob-joog ka ahaa Munaasibad lagu qabtay xarunta UCID ku leeyahay degmada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, taasoo lagu soo bandhigay 21-ka musharrax ee golaha deegaanka degmadaas ugu tartami doona Xisbiga UCID, waxaana ka sokow Weftigan ka qaybgalay Xafladdaas Salaaddiin, Cuqaal, Boqorro, aqoonyahan, Taageerayaal, Musharrixiinta 21-ka ah, Maamulka Xisbiga UCID ee heer Gobol iyo mid Degmo.


Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Sanaag, Axmed Maxamed Maygaag, waxa uu faahfaahin ka bixiyey marxaladii kala duwanaa ee ay u soo mareen soo xulista xubnaha golaha deegaanka degmada iyo degmooyinka kale, isaga oo sheegay inay ku soo xuleen karti iyo aqoon, isla markaana ay hanan karaan xilka ay u tartamayaan. “Waxaan ku soo xulannay kartidooda, aqoontooda, taageerada dadweynaha iyo in nin walba beeshiisa uu taageero ka haysto, waxaanan u rejaynayaa inay soo baxaan, waxaan taageerayaasha Ceerigaabo ee UCID ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan musharrixiintan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga UCID.


Xasan-Gadhwayne oo Weftiga hoggaaminaya oo isaguna munaasibaddaa ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga UCID ee gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceerigaabo, waxaanu sheegay inay 21-ka musharrax. “Waxaan idiinka mahad-celinayaa sida qiirada leh ee aad Weftigayagan u soo dhawayseen haddaad tihiin reer Ceerigaabo, waan arkaa Musharrixiinta hortayda taagan tayada iyo aqoonta ay leeyihiin, muddadii aad ku guda jirteen soo xulistana waad ka baaran-degteen oo waannu la soconnay, sidaa daraaddeed, taageerayaasha waxaan u soo jeedinayaa inay musharrixiinta si isku mid ah ugu codeeyaan, waayo doorashada aynu galaynaa waa tii Xisbiga iyo Musharrixiintaba la soo saarayey, markaa waxaan leeyahay waa in qof kasta oo idinka mid ah reer Ceerigaabo inaad codkiinna siisaan musharrixiintan iyo Xisbiga UCID.


Xasan Gadh-weyne oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Musharrixiinta waxaan u soo jeedinayaa inay dedaal ballaadhan oo muuqda sameeyaan oo ay u hawl-galaan sidii ay shacabkooda u kasban lahaayeen ee ay cod ay ku soo baxaan uga heli lahaayeen maalinta doorashada.” Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somalialnd Xasan-Gadhwayne waxa uu sheegay in Xisbiga UDUB ee uu hore uga tirsanaa xilka soo qabtay, immikana KULMIYE hayo, waqtiganna la gaadhay xilligii Xisbiga UCID la tijaabin lahaa ee dadweynaha reer Somalialnd dooran lahaayeen New UCID.


“Xisbigii aan hore uga tirsanaa ee UDUB waa la soo tijaabiyey oo xilka dalka wuu soo qabtay, Xisbiga KULMIYE-na waa la tijaabiyey oo maanta ayuu xilka hayaa, laakiin waxa la soo gaadhay xilligii Xisbiga UCID la tijaabin lahaa ee ay dadweynaha reer Somaliland UCID dooran lahaayeen, waxaanan ugu baaqayaa guud ahaan reer Somaliland inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID.” Sidaa ayuu yidhi hoggaamiyaha Weftiga UCID Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne).


Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID Axmed Maxamuud Mingiste oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa ugu baaqay taageerayaasha Xisbiga UCID iyo dadweynaha reer Ceerigaabo inay codkooda siiyaan xisbiga UCID. Mingiste oo reer Ceerigaabo la hadlayaana waxa uu yidhi; “ Waxaan ka codsanayaa Shacabweynaha reer Sanaag yar iyo wayn Cirroole, Dhalinyaro iyo Haween inay iyagoo isku duuban codkooda siiyaan Xisbiga UCID, waayo musharraxa u taagan Madaxweynaha UCID waa Nin dhalinyar ah, aqoon yahan ah oo Siyaasadda ku cusub, Somaliland-na meel gaadh siin kara.”


Suldaan Cali Badda-cas oo ka mid ah Salaaddiinta gobolka Sanaag, waxaanu sheegay inay dhammaan u soo sharraxeen 21 xubnood oo aqoon iyo tayo leh oo ay muddo ku hawlanaayeen soo xulistooda, sidaa daraaddeed, haddii ay yihiin dadweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceerigaabo ay rejo weyn ku qabaan inay soo saaraan musharrixiintooda Xisbiga UCID ee deegaanka Ceerigaabo, isaga oo xusay inay musharrixiintu yihiin dad taageero iyo cod leh.“Waxaan Illaahay uga baryayaa musharrixiinta 21-ka ah ee UCID uga sharraxan Ceerigaabo in Illaahay ku guuleeyo xilka ay u taagan yihiin inay u tartamaan, noqdaanna kuwii isbeddel ku sameeya golaha deegaanka degmada ee guul u horseeda bulshada Ceerigaabo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cali Badda-cas.


Fannaan Cabdiraxmaan Waaqle oo ka mid ah 21-ka musharrax ee Xisbiga UCID uga sharraxan degmada Ceerigaabo, oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo musharrixiinta golaha deegaanka ee Ceerigaabo uga sharraxan Xisbiga UCID, isla markaana uu rejaynayo inay iyaga iyo Xisbiguba guul ka soo hooyaan doorashada dawladaha hoose.
Sidoo kale, Xubno ka tirsan Musharrixiinta ayaa sheegay inay u sharraxan yihiin golaha deegaanka ee Magaalada Ceerigaabo, waxay ugu baaqeen shacabka ku dhaqan degmada Ceerigaabo inay codkooda siiyaan si ay is-beddel muuqda ku samayn doonaan deegaanka haddii ay guulaystaan.


Boqor Siciid, Garabka Haweenka Gobolka Sanaag ee Xisbiga UCID, Xildhibaanno iyo Xubno kale oo Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay, inay soo xulista musharrixiintan golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo ugu tartami doona Xisbiga UCID muddo ku hawlanaayeen, isla markaana aad uga fiirsadeen aqoonta, kartida, tayada iyo daacadnimada 21-ka xubnood ee ay u soo xuleen, kuwaasoo ay u rejeeyeen in Illaahay ku guuleeyo tartanka doorashada ee la galayo.


Dhinaca kale, waxa uu Xisbiga UCID degmada Ceel-afweyn ku soo bandhigay 13 musharrax ee degmadaas ugu tartami doona Xisbiga UCID doorashada golayaasha deegaanka ee degmadaas. Waxaana halkaa ka hadlay Musharrixiinta, Masuuliyiinta Xisbiga ee heer Degmo, heer Qaran iyo qaar ka tirsan Odayaasha iyo aqoonyahanka degmada, kuwaas oo dhammaantood Illaahay ka beryey in Xisbiga UCID iyo musharrixiintiisa uu ku guuleeyo doorashada dawladaha hoose ee Somaliland ka qabsoomi doonta 28-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2012-ka, sheegayna inay dedaal buuxa oo ay iska kaashanayaan samayn doonaan sidii Xisbiga iyo musharrixiintuba cod badan u uga heli lahaayeen doorashada.


Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa/Somaliland.

 

posted on Tuesday, September 11th, 12
shaqaalaha
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland iyo Safiirka Somaliland iyo Somalia U Qaabilsan Midowga Oo Si wada jira Ka Warbixiyey Kulan ku dhexmaray


Dhagayso: Suldaan Maxamed Sul: C/Qadir oo dhalliil kulul u jeediyey Xukuumadda


Siyaasiga Xasan Ciise Jaamac oo maanta BBC uga waramay sidii ay ku timid gooni isutaaga Somaliland


Dhagayso: Hadal Madaxweyne Siilaanyo xalay ka jeediyey Madaxtooyada


Dhagayso Khudbaddii Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Xuskii 18-ka May


Buslahada Ku Nool Degmada Salaxley Oo Si Mugleh Uga Qayb qaatey Xuska 18 May


Wasiir Xirsi oo ka hadlay waxa Gabayga ku kallifay


Barnaamijka Jimcaha ee Radio Hirad


HEES CUSUB: MURSAL IYO KHADRA. 18.MAY


Ku Xigeenka Xoghayaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadley Dilkii Ka Dhacay Burco Waraysi


Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Xog Waran ah la yeeshay Ardayda Dhigata Jaamacadaha Dalka


Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Dusha ka Saarey Rabshadihii Shalay ka dhacay Burco


Madaarka Hargeisa oo dib loofuri doona 20.Jun.2013


Wasiir Xagla-toosiye oo Sheegay inaanu jirin khilaaf ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo


Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Furey kulan la gaga Hadlayo Sixitaanka Siyaasada Qaranka


Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Ka Hadley Xeerka Caasimada iyo Mooshin la Horkeenay Wakiilada


Hees cusub oo loogu talagalay munaasibada 18.May.2013


Wasiirka Deegaanka Somaliland oo ka warramay dib-u-dhac Wasaaraddiisa hadheeyey iyo waxa u qabsoomay


Madaxwaynaha Somaliland oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay kana war bixiyay Safarkiisa


Wasiirka warfaafinta somalilad oo ka waramay arimo ay ka mid tahay ,sabata ay RadioHargeysa hawada ugabaxday.