 Ganacsadaha sucuudiga ah ee lagu magacaabo Suleymaan Al Jaabiri , ayaa ay Maxkamada Magaalada Hargeysa u yeedhay in uu mudo 53 cisho gudahood ah ku yimaado maxkamada horteeda.
Wararka ay Radio Hormuud helayso ayaa sheegaya in u jeedada yeedhidiisu la xidhiidho , dacwad uu ku soo oogay muwaadin u dhashay Somaliand oo ka cabanaya xuquuq kaga maqan oo uu duudsiyay iyo heshiis ay wada galeen oo uu ka baxay.
Al jaabiri ayaa magaalada Berbara ka samaytay laba maxjar oo xoolaha nool lagu xanaaneeyo inta aan la iib gayn , isaga oo xoolaha ugu badan ee ay somaliland dibada u iib gasaana ay isaga u xidhantahay.
.jpg)
|