 Hargeysa(RH):- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyay laba Xeer oo kala ah Xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka iyo Xeerka waddo marista Gaadiidka, kuwaasoo in muddo ah horyaallay golahaas.
Fadhigii maanta ee Golahaas oo ay soo xaadireen 42 Mudane, isla markaana uu guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiilladda Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa ay Xildhibaannadu cod u qaadeen labadaas xeer oo mid walba gaar loogu codeeyey.
Xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka waxaa uogolaaday 35 Mudane waxaa diiday 2 Mudane waxaana ka aamusay 4 Mudane Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka.
Xeerka labaad ee ee waddo marista waxaa ogolaaday 35 Mudane, Waxaa diiday 1 Mudane waxaana ka aamusay shan Mudane, Gudoomiyahuna ma codayn sidaasna waxaa ku ansaxay xeerka waddo marista Somaliland .
Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golahaasi Md Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaasha ku wargeliyey in maalinta sabtida ah ee soo socota Goluhu yeelan doono fadhi balaadhan oo ay cod ugu qaadi doonaan ansixinta Mas’uuliyiinta aan golaha soo marin.
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa/Somaliland.
|