 Kismaayo (RH) Wararka ka imanaya magaalada dekadda leh ee Kismaayo gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xaalada kacsanaan ah iyo jahwareer uu ka jiro magaalada caawa, kaddib markii madaxdii sare Al-Shabaab magaala isaga baxday.
Dadkii magaalada ku noolaa ayaa badankooda isaga qaxay, waxana xiran goobaha ganacsiga iyo goobaha waxbarashada.
Magaalada waxa ku sugan ciidamo teel teel ah oo sidaas u badneyn, kuwaasoo suga ammaanka magaalada.
Deeganno u dhow magaalada Kismaayo waxa tan iyo shaley ka socday dagaallo kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada huwanka iyo kuwa Al-Shabaab.
Dagaalkii ugu dambeeyay waxa uu saaka waa barigii ka dhacay Janaa Cabdalle oo 70 km magaalada Kismayao u jirta.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay sheegeyn in magaalada ay hadda ku dhow yihiin, laakin wax war ah Al-Shabaab lagama hayo.
Idaacadda ugu weyn Al-Shabaab Andunus oo ku taallo Kismayo ayaa maanta hawada laga saaray isla markaana qalabkii loo qaaday meel aan la sheegin.
Magaalada Kismaayo waa meesha ugu weyn ee uu dhaqaalaha ka soo galo Al-Shabaab haddii laga qabsado waxa hubaal ah in uu soo wajahay guul daro weyn sidaas waxa qaba dadka yaqaana dagaalada Jubbooyinka.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia
|