 Hargaysa(RH) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland
isla markaana ka mid ah Mudnayaashii laga Soo doratay Xisbiga Kulmiye ayaa Beeniyey in aanay jirin wax ku shubasho ah oo ka dhacay Doorashooyinkii Golaha deegaanka ee Somaliland ka qabsoomay Dalka Todobaadkii Hore ee aynu soo dhaafnay Xil. Axmed Diiriye Nac nac waxaa uu sheegay in aanu Xisbiga Kulmiye Samayn wax ku shubasho ah Waxaanu Waxba ka ma Jiraan Ku tilmaamay Warar kaasi Sheegaya in Xisbigoodu ku kacay Ku shubasho waxaanu u soo jeediyey Ururada aan ku Soo bixin Doorashada Golayaasha Deegaanku in aanay Samayn Wax Wax u dhimaya Nabad Galyada Dalka isla markaana ayna Xumayn Amaanka
Waxaanu ku Booriyey Ururada Siyaasada in ay ku Qancaan Najiida ay ku Dhawaaqaan Gudiga Doorashooyinka Qaranku Waxaanu yidhi:
, Waxa aan cadaynayaa in aanay jirin wax ku shubasho ah oo uu xisbigayaga Kulmiye ku dhaqaaqay "
Waxa aan leeyahay hadii uu tartan dhaco cid uun baa guulaysata, cidna way guul daraysataa, marka la shaaciyo natiijadda doorashooyinka golaha deegaanka saddexda urur siyaasadeed ee ay Komishanku shaaciyaan in ay u soo baxeen isla markaana noqdeen Xisbiyo mooyaane inta kale waxa aan leeyahay ku qanca oo yaanay nabadgalyadeenu inaga xumaanin? Ayaa uu yidhi xildhibaan Nac nac
By maxamed jiciir
Radio Hormuud
Studio 2
Hargaysa /Somaliland
|