 Muqdisho (RH) Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiran booqday wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka gaashandhiga waddanka Djabuti Cabdiqaadir Maxamed Kaamil .
Wasiirka oo la socday diyaarad gaar ah ayaa maanta barqadii ka soo dagay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Wasiirka waxaa socdaalkiisa ku wehelinaayay Abbaanduulaha Ciidanka Djibouti, General Sakariye Sheekh Ibraahim iyo saraakiil kale.
Markii wafdiga wasiirka ka soo dageyn garoonka waxa ku soo dhaweeyya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax iyo saraakiisha ciidamada waddanka Djibouti ee ku sugabn Beledweyne.
Wasiirka ayaa kulan looga hadlaayay ammaanka, xiriirka ka dhexeeyo ciidamada Djibouti ee ku sugan Beledweyne waxay la qaateen maamulka gobalka iyo odayaasha dhaqanka.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xeryaha iyo saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, ee ku yaalla magaalada Beledweyne.
Waa waasirkii ugu horreyay ee ka socda dowladda Djabuti ee booqda magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiran.
Wafdiga wasiirka ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Djibouti ee caasimada waddanka Djibouti .
Ciidamada Jabuuti ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna ka howlgalaan magaalada Beledweyne oo ka mid ah magaalooyinkii laga saaray maleeshiyada al-Shabaab.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia |