 Kolding: Gudoomiyaha gudiga isdhexgalka ee degmada Kolding Marwan Zobi ayaa gudoonsiiyay abaalmarintii sannadka, shariikada qaabilsan dhinaca nadaafada ee degmada Kolding- Denmark, Abaalmarintan oo uu gudiga qalabixintu bixiyo sannadkiiba hal mar ayaasida caadiga ah la gudoonsiiyaa, cidii hawl muuqata ka qabata dhinaca hawlaha is dhexgalka bushada ama qallobixinta ajanabiga.
Sida uu cadeeyay Zobi shaqaalaha shariikadan ayaa ka soo jeeda ugu yaraan 43 jinsiyadood , taas oo ah sababta ugu wayn ee ay ku mutaysteen abaal marintan oo ay u tartamayeen hay'ado badan.
Waxaa goobta laga sheegay in ajanabigu marka ay ka soo baxaan dugsiga luqada ee ay tababar kooban ku soo qaataan dugsiga farsamada gacanta
ay intooda badan u suurto gasho in ay shaqo ka helaan shirkadaha nadaafada , si ay naftooda iyo qoysaskooda u masruufaan.
Degmada kolding ayaa waxaa dhinaca nadaafada uga shaqeeya 250 shaqaale ah kuwaas oo 60% ay ka soo jeedaan dalal kale.
|