 Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Ku: Gudida Doorashooyinka Qaranka
Ku: Ururada iyo Asxaabta
Ku: Musharxiinta u tartamaysa goleyaasha deegaanka
Kadib markii aanu aragnay cabashooyinka isa soo taraya ee aan ilaa iyo hada laga jawaabin,
Ee ay ururada qaar farta ku godayaan in meelo badan oo dalka ka mid ah lagu shubtay, lana musuqmaasuqay.
Waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaan masuuliyiinta kor ku xusan in;
1. Komiishanku si dhaqso ah uga jawaabo, tafaasiilna ka bixiyo sida ay wax u dhaceen.
2. In cid kasta oo ay ku cadaato in ay ku kaceen wax isdaba marin, ku shubasho, iyo musuqmaasuq talaabo deg deg ah laga qaado
3. In in komiishanku uu dhex dhexaad u ahaado dhamaan tartamayaasha
4. In si dhakhso ah loo baadho meelaha ay cabashadu ka imanayso sida Gobolka Awdal, Sool, iyo Togdheer.
5. In Xukuumadu ay fuliso balanqaadkii ay hore u iclaamisay ee ahaa in ay talaabo ka qaadi doonto shaqaaleheeda faraha kula jira arimaha doorashooyinka.
6. In ay ururadu ilaaliyaan xasiloonida nidaamka sharcigana maraan
7. In masharixiinta tartamaysaa ay iyaguna ilaaliyaan eedaynta hadii aanay waxba ka jirin isla markaana qaataan natiijada hadii si hor ah looga badiyo.
Allaa Mahad leh
Maxamed-Nasir M Dhoore, BA, MS- Criminal Justice
Executive Director
Horn Center for Criminal Justice Advancement
Seattle, WA, USA
|