 Hargeysa(RH):- Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami, ayaa dardaaran ujeediyay xildhibaannada cusub ee la filayo dhawaan inay ku fadhiistaan kuraasta golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa.
Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami oo Hargeysa Maayer ka ahaa sannadihii 1998 illaa 2000, Xukuumaddii Rayaale-na ka ahaa Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha dawladda oo u warramay Telefeshinka madaxa-bannaan ee BULSHOTV, ayaa ku boorriyay Xildhibaannnada la filayo inay yimaadaan golaha deegaanka inay ahmiyada siiyaan samaynta nidaamka shaqo ee dawladda iyo hirgelinta shuruucda lagu hago hawlaha ay u xilsaaran tahay dawladda hoose.
Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ayaa dhaliilihii goleyaashi hore ee deegaanka ku tilmaamay inay sabab u ahayd qaybsanaan la’aan ka jirtay dhinaca awooddaha, waxaanu sheegay in awooddu uu isku duubay maayarka oo keli ahi.
“Golaha Deegaanka ee cusub ee todobaabadan soo bixi doonaa, waxa laga yaabaa inay ka soo baxaan rag fiican oo aqoontooda, qiyamkooda iyo waxqabadkooduba fiicanaan kar, markaa golaha cusub ee deegaanka ee imanayaa waa inuu mudnaanta siiyaa samaynta hanaan maamul iyo shuruucdii lagu hagayay dawladda hoose, wax badan ma qaban kartid haddaanu jirin nidaam, haddaanay jirin shuruuci, haddaanay hab maamul oo lagu dhaqmo oo la raaco.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.“Shaki kuma jiro nidaam ayay imikaba dawladda hoose leedahay, laakiin awooddihii ay lahaayeen waaxyuhu malaha, maaha ma qaybsana shaqadu, siyaasad shaqo qoriseed dawladda hoose malaha iyo si lagu eryo, masuuliyaddu ma qaybsana, masuuliyiinta dawladda hoose inta badan shaqooyinkay qaban lahaayeen waxa ka mashquuliya arrimaha dhulka.”
“Dhulkuna wuxuu ka mi yahay shaqooyinka ay u xulsaaran yihiin mid ka mid ah, waxaad arkaysaa xafiiska maayarka Hargeysa konton qof xafiiskay ku jiraan, boqol kalena dibadda ayay ku sugayaan, markuu xafiiska ka tago gurigaa lagu sii sugayaa, meel kasta oo uu joogo cidbaa daba taagan oo sugaysa, sababahaasi waxay u dhacayaan shaqadii ayaan qaybsanayn.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami oo u warramay BULSHO TV oo laga daawado Hargeysa iyo Burco.
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa/Somaliland.
|