 Muqdisho (RH) Waxa maanta markale lagu weerrary deegganka Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose Kolonyo ay la socdeen sadex wasiir iyo xildhibaano kuwaasoo shalay gaaray magaalada Marka ee gobalkaas.
Weerrarka maanta ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen askari ka tirsan ciidamada dowladda isla markaa Bamb lagu weeraray gaari uu la socday taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye.
Wasiirradan oo kala ah, Wasiirrka Arrimaha gudaha Amniga iyo Qaranka, Wasiirka Difaaca iyo wasiirka garsoorka iyo cadaalada ayaa isla shaley ka badbaaday isku-day dil ah kaddib markii weerrar lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen oo marayay duleedka degmada Shalanbood.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siiddii) ayaa u sheegay warbaahinta in ilaaladii wafdiga iyo Al-Shabaab uu dhex maray dagaal muddo labaatan daqiiqo ah socday.
Dhinaca kale ururka Al-Shabaa ayaa sheegtay weerrar miino ah oo ay ku qaadeen mid ka mid ah gaadiid uu la socday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye oo wafdiga qeyb ka ahaa.
Si kastaba, waa weerrarkii labaad oo muddo 24-saac ah lagu qaado wafdiga wasiirkadda oo maanta ku sii jeeday magaalada Muqdisho.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia
|