 Muqdisho (RH) Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta barqadii ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho iyagoona u ambabaxay waddanka Turkiga.
Wafdiga madaxweynaha waxa ku jira wasiiro ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare ku xigeenka, Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan.
Waxa garoonka ku sii dhaweeyay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari .
Wafdiga madaxweynaha ayaa la kulmi doona madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül, ra’iisul wasaare Recep Tayip Erdogan iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Turkiga.
Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya 10-kii September ee sannadkan 2012-ka.
Waa safarkii seddaxaad ee uu madaxweynaha kaga amababaxo waddanka Soomaaliya.
QM Oo Codsatay 1.3-billion oo dollar oo lagu daboolo arrimaha gargaarka Soomaaliya
Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqday in loo baahan yahay $ 1.3 Billion lagu bixinayo gar-gaar dalka Soomaaliya laga bilaabo 2013 illaa 2015-ka.
Shir jaraa’id oo maanta ku qabtay Muqdisho Stefano Porretti oo ah ku-simaha isu-duwaha gar-gaarka bini-aadamino ee QM ee Soomaaliya, ayaa waxa uu caddeeyay in loo baahan yahay lacag gaarasaa 1.3 Billion oo Dollar oo lagu bixin doono barnaamiyada ga-gaar ee saddexda sanno ee soo socota taasoo lagu caawin doono 3.8 malyuun oo Soomaali ah.
Mr. Porretti wuxuu sheegay in xaalladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ay wali khatar tahay, isla markaana loo baahan yahay gar-gaar kale.
Wuxuu kaloo sheegay inay lama huraan ahayd in caalamku uu sii wado taageerista howlaha biniaadanimo ee laga wado Soomaaliya.
Stefano Porretti ayaa sheegay xaallada magaalada Muqdisho in ay tahay mid ka fiican xilliyadii horre taasna ay keen tay in markii ugu horreysay 20 –sano in ay codsigaas ka sheegaaan.
Wuxuu hadalkan sheegay mark uu kulan uu la qaatay wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia
|