 Berbera(RH):- Guddiga Doorashooyinka Degmadda Berbera, ayaa galabta ku dhawaaqay natiijadda doorashada deegaanka oo Arbacadii toddobaadkii hore Somaliland ka qabsoontay.
Guddiga doorashada degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxay shaaciyeen magacyada Xildhibaannada soo baxay, isla markaana waxaa ay sheegeen in 21-ka Xildhibaan ee golaha deegaanka Berbera ka kooban yahay loo kala helay sedan:u kala heleen sidan:-
1.UMMADDA 2139 cod oo u dhiganta 1 Xildhibaan oo ah Maxamed Cali Xaji Axmed.
2.UCID 10929 cod oo u dhiganta 5 Xildhibaan.
1-Cabdishakuur Cidin, 2- Iid Saleebaan, 3- Muuse Daa’uud Cilmi, 4- Saleebaan Cali Khayre iyo 5- Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf.
3. KULMIYE 17261 cod oo u dhiganta 9 xildhibaan oo kala ah: 1- Cabdale Maxamed Carab, 2- Rashiid Aadan, 3- Xaaji Nuur Cawl, 4- Cali Cabdi Dheere, 5- Mustafe Xoolow, 6- Daahir Aw-nuur, 7- Maxamud Cabdilaahi Bidhiidh, 8- Jamac Samatar Hakida, 9- Rashiid Haaruun,
4. DALSAN 680 cod waxba mu ku helin.
5.RAYS 3853 cod oo u dhiganta 2 xildhibaan
Ismaaciil Xaamud, Maxamud Maxamed Hurre.
6. WADDANI 6272 cod oo u dhiganta 3 xildhibaan
Baashe Cabdilahi, Maxamud Cabdilahi Fiiqay, Cabdiraxmaan Xuseen.
7. XAQSOOR 2123 Cod oo u dhiganta 1 xildhibaan oo ah Aadan Axmed Cali.
Sarkaal Ka socday Komishanka Doorashooyinka Mr Raabi ayaa u mahad-naqay cid kasta oo ka qeyb qaatay doorashooyinka sida ciidamada amaanka iyo saxaafada bulshada iyo xisbiyada tartamayay.
GudoOmiyaha Komishanka Gobolka Saaxil Cismaan Xaashi ayaa isna mahadnaq u soo jeediyey dadka ku dhaqan gobolka Saaxil iyo Ciidamada Amaanka ee kor joogayay doorashada.
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa/Somaliland.
|