 Ankara (RH) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xaley gaaray magaalada Ankara ee waddanka Turkiga.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ankara, halkaasoo ay ku sugnaayeen madax ka tirsan dowaldda Turkiga, Jaalliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan la qaato dhigiisa dalkaasi Cabdalla Guul sidoo kale waxa uu la kulmi doonnaa Ra’isul wasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan.
Wafdiga madaxweynaha waxa ka mid ah raysul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inuu socdaalkoodu la xiriiro xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii madaxda sare ee dalka Turkiga ay ugala hadli lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta ammaanka, milateriga iyo dhaqaalaha.
Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Xasan booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya horraantii September ee sannadkan.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia
|