 RH. Kolding: Wasiirkii dhaqanka ee Denmark..Uffe Elbeak ayaa 14 bilood ka dib maanta shaqadiisii katagay markii labadii cisho ee ugu dambeeyay ay saxaafadu toosh ku Ifisay falal uu ku kacay.
Maxaa laga raacay wasiirka.
Wasiirka oo ahaa raga lagaroonaha ama homo yaa wargeys kamid ah kuwa ka soo baxa wadanka Denmark ogaaday
in kulamada uu qabanayo uu ku qabto xarun uu ka shaqeeyo nin ay isqabaan Isaga laftiisuna uu hore uga shaqayn jiray.
Intaas ka dib ayaa saxaafadu ku fadeexadaysay in uu 5 jeer oo isku xiga goobtaas u doortay meesha uu kulamada ku qabto si uu ugu qaraabakiilo ninka ay wadajoogaan iyo asxaabtiisii hore!
Markii tooshka si fiican loogu shiday ee dhamaan saxaafadii marqudha ka hadashay arinkii, ayuu dulqaadan waayay oo uu isagii maanta istiqaaladiisii soo qadimay.
Wadanka Denmark ayaa kaalinta koowaad kaga jira dalalka dunida ugu musuqmaasuqa yar ,
Todobaadkan gudihiisa ayaa laga yaabaa in wasiir cusub loosoo magacaabo wasaarada dhaqanka ee wadanka Denmark.
|