 RH: Marianne Jelved ayaa noqotay wasiirka cusub ee dhaqanka ee wadanka Denmark, waxaana hada si xoogan uga socda bogga Facebook , faalooyinka iyo hambalyada loo dirayo wasiirada cusub.
Maiane oo 69 jir ahi waxa ay ka mid ahayd baarlamanka wadanka Denmark 25 sanno, waxaanay dalka ka soo qabatay jagooyin kala duwan oo heer wasiir ah iyo gudoomiyaha xisbiga Raikale Venste. iyada oo marna ahayd raisal wasaare kuxigeen.
Waa qof aad looga qadariyo guud ahaan wadanka Denmark, waana siyaasiyad ruug cadaa ah.
Dhamaan xisbiyada kala duwanina ilaa hada waxa ay ku soo dhaweeyeen qalbi furan, dadka siyaasada falanqeeya ayaa ku tilmaamay in ay jagadan kaga haboontahay wasiirkii iyada uga horeeyay.
maanta ayaa la filyaa in ay boqorada u tagto si ay ugu wargaliso jagada cusub ee loo magacaabay.

WQ. Maxamed-Amiin Siyaad Cabdi
Tafatiraha: Radio Hormuud |