 Muqdisho (RH) Qarax ayaa maanta duhurkii waxa uu ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, inta la ogyahay 15-qof, ayaa ku dhaawacmay kuwaasoo hadda lagu daweynayo isbitaalada magaalada.
Qaraxa oo ahaa bam gacmeed ayaa lagu weerraray ciidamado marayay suuqa, gaar ahaan qeybta dahablaha, waxana dadka dhaawacmay ku jira askar dowladda ah iyo haween dahab iibinaayay, sida ay lee yihiin goobjoogayaal ku suganaa suuqa xilliga uu qaraxa dhacayay.
Qaraxa kaddib, ayaa waxa goobta soo gaaray ciidamo bilays ah, kuwaasoo howlgalo ka sameeyay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Gaadka dhaawaca daabula ee Abalaska ayaa lagu arkayay gudaha suuqa, waxana ay daabulaayeen dhaawacyada, kuwaasoo lageeyay badankood isbitaalka Madiina.
Suuqa Bakaaraha waa suuqa ugu weyn koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, in kastoo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaaladii ugu dambeeyay ee ku dhexmaray magaalada Muqdisho ururka Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo gacan ka haleya ciidamada midowga Africa ee AMISOM.
Bishii horre ayaa suuqa waxa lagu dilay guddoomiyihii suuqaas, lamana oga cidda dilkiisa ka dambeesay, manna jirin dad loo soo qabtay.
Suuqa waxa ku yaalla saldhig bilyas, laakin dhowr jeer ayey dilal iyo qaraxyo ka dhaceen tan iyo markii magaalada Muqdisho guud ahana gacanta ugashay dowladda.
Ma jirto cid ka hadashay qaraxa maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha iyo cid sheegatay toona.
Suuqa ayaa xilligan waxa ku socda dib u dhis iyadoo ganacsato badan ay dib ugu soo laabteen suuqa.
Radio Hormuud
Studio3
Mogadishu Somalia
|