 RH: Hargeisa: Gudoomiyaha urursiyaasadeedka XAQSOOR mudane Xasan Ciise jaamac ayaa Taageerayaasha ururka kula hadlay saaka garoonka kubada cagta ee magaalada Hargeysa ( Hargeisa Stadium).
Xasan waxa uu ugu baaqay dadweynihii tirada badnaa ee dhagaysanayey , in ay si buuxda u joojiyaan rabshadaha isna dajiyaan, si aan loo dhantaallin nabadgalyadii iyo wadajirkii lagu soo tabcay.
Waxa uu Xasan raaligalin iyo xaalba ka bixiyey hadalo la sheegay in ay ka soo yeedheen qaar ka mid ah madaxda ururka XAQSOOR.
Sida uu Radio Hormuud u xaqiijiyay qof looga qaateen ah oo goobta joogay.
Xaalada magaaladu way ka wanaagsantahay sidii ay xalay ahayd, inkasta oo ilaa hada laga maqlayo meelaha qaar xabado ay booliisku ku ridayaan dad dhagxaan tuuraya.
Xasan waxa uu sheegay in ka urur ahaan aanay la dhacsanayn qaabka ay doorashadu guud ahaan dalka ugu dhacday, waxase uu yidhi .
Qalad qalad laguma saxo , qaranimada iyo wadajirka ayaana wax walba ka horeeya.
Wixii ka soo kordha kala soco Radio Hormuud |