BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
22 visitors online
Total visits: 478406
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr07:39
Shuruq09:37
Dhuhr13:10
Asr14:28
Maghrib16:42
Isha18:34


Hees: Hadaad ruux is barataan. Saynab Cige


Dhageyso:Madaxweyne Silaanyo Oo Beeniyey in Uu Ka Tanaasulay Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye


Wareysi.Gudoomiyaha ururka dhaqanka Soomaalida Kolding.


Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadley Dab Ka Kacay Studio-ga Radio Hargeysa


Xil. Cismaan Waxar Oo Sheegay in uu Maayirka Caasimada Hargeysa uu ku Fashilmey Xilkii Loo igmaday


Xildhibaan Dogox Oo Dhaliil kulul u jeediyey Maayirka Caasimada Hargeysa


Fuaad oo aanu ka wareysanay Shirka ka dhici doona Kobenhagen bisha dambe.


Ruwaayadii dabjacayl kariwaa . Majaajilo xiiso leh


Faaiidada iidal Odxada iyo Sheekh Axmed Caabi Cabdi


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Maanta Hortagey Golaha Wakiilada


Af-Hayeenka Madaxtooyada Oo Beeniyey in Madaxweynuhu Soo Wado isku shaandhayn

Wargelin: RADIO HORMUUD KALA SOCO WARAR CUSUB MAALIN KASTA - Newsletter - - -
Hormuud News     Tuesday, December 23rd, 2014 | 01:49
[Saturday, December 8th, 12] :: Dhiilada Hargeysa: Dhimashadu hawl yaraa! By M. Haaruun

Share |
news image

Bal su'aal u celi maydka; sababtuu u go'ay raadi." (Hadraawi) Su'aashan iyo kuwa ka dambeeyaba ila dhadhami: Booliska Somaliland ma marmarsiiyo uu xabaddo nool ku rido si uu dad u laayo ayuu doonayaa? Waa su'aal qayaxan saw maaha? Saw jawaab uma baahna? Maxaan ku keenay? Qormadan baan ku falanqaynayaa tagto iyo tan maanta taalba ee hareeraha igala joogso.

 
 
Goor kasta oo dadwayne kacsan iyo xoogaga amniga SL iska hor yimaadaan, hadadan aan joogno iyo haddeerba maydad baa dhulka laga qaadaa. Bal dhacdooyinkan kala horeeyay aan dul istaagno. Xasuuso sanad ku dhawaad ka hor maalintii wadooyinka Hargeysa ee waawayn Dawladda Hoose ganacsatadii yaryaryd ay ka kicinaayeen. Xasuuso maalintii dhulka loo banaynaayay Cisbitaalka Talyaanigu Hargeysa ka dhisayaan ee caruurta. Xasuuso maalintii Madaxwayne Riyaale iyo mucaaridku is qabteen, ee isna uu Dhismaha Baarlamaanka qufulka ku jabiyay iyo dadkii mudaharaadaayay wixii kala gaadhay. Xasuuso maalintii 'riigga' Koonfurta Hargeysa dhawr sanno hortood la kaxeeyay dadkii kacdoonka sameeyay iyo booliiska wixii kala gaadhay iyo wixii nafo qudh-baxay! Xasuuso... Xasuuso...!
 
 
Sababtu maxay tahay? Ma booliiska ayaa gacan fudud oo dad-lays ah? Mise dooda aan mararka qarkood maqlo, ee ah - dadwaynuhu booliis ay nin-iyo-nin u garanayaan kama cabsanayaan, kamana xishoonayaan, inay dilaan baanay ku dhawaanayaan oo boolisku waa naf-la-caari baa dhab ah? Mise intuba way jirtaa? Booliisku hadiiba uu naftiisa u baqo oo ay sida dambe tahay, wax xabado nool ka yar oo ay dadwaynaha iskaga joojiyaan, ama ku cabsi galiyaan miyaanay haysanin? Xataa hadii aanay haysanin rasaas caag ah, gaasta dadka ka ilmaysiisa iyo biyo xoogan oo dadka lagu furo toona, maxay lugaha iyo qaarka hoose ee jidhka xabadahooda ugu beegi waayeen? Maxay meelaha halista ah ee loo dhinto rasaasta ugu beegayaan? Marka ay nafo baxaan, miyaan casharoba laga baranin? Miyaan cidba loo ciqaabin? Askari maxkamad lagu keenay dil laga fursan karaayay miyaan waligeenba maqalnay? Baadhitaan booliisku amray oo madax iyo askarba eedo loogu jeediyay miyaan maqalnay? Dadku haba qaldanaado hadii uu doono, laakiin in la laayo miyay tahay? Dil hal qof miyaanu wax wayn ahayn, mise inaga dhankeena nafuhu qiimo badan ma laha, dhimashaduna wax wayn maaha? Hadii rasasta booliiska uu ku dhinto hal qof oo ka mid ah cadaanka Reer-Yurub ee fadhigoodu Hargeysa yahay, taloow xaalku sidan oo kale ma ahaan lahaa? Maya bay ila tahay. Markaa waa sax hadii la yidhaaho dhimasho oo dhami inalama sahlana, nafuhuna isku mid ma aha ee teena oo kaliya ayaa sahlan. Saw ceeb iyo xaaraanba maaha taasi? Hadma ayaynu ceebta ka koraynaa? Ceeb se horta ma u aragnaaba? Ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?
 
 
Intaas oo su'aalood, iyo in kale oo la taala ayaan is waydiiyaa mar kasta oo foolxumadan oo kale dhacdo, laakiin waxba isma bedelaan. Waa nasiib darro inteeda leeg dhab ahaan. Hadaan u laabto dhacdadan maanta ugu raad dambaysay, waxan is waydiinayaa sababta golayaashii qaranka oo dhan (Guurti, Baarlamaan, Xukuumad iyo wax garad kale iwm) ay uga hadli waayeen arintan. Markaan leeyahay maxay uga hadli waayeen, uma jeedo tabashooyinka dadka kacdoomay ay sheeganayaan maxaa yeelay taas maxkamado eega ayaa jira, waxan se u jeedaa, oo u jeedaa, dilka iyo awoodda booliiska ee geerida sababtay. Wali gumacii meel guracan buu, gawda ku hayaa. (Hadraawi) Saw dawladnimada iyo samaan kasta oo aadame sheegtoba sal uma aha sida nafo loo badbaadiyo iyo sida loogu kala fiicanyahay taas? Mar kasta oo dumar iyo ciyaal isu soo baxaan, ee buuq iyo sawaxan kiciyaanba hadii rasaas loo naco, saw ayaan darro maaha midhkaasi? Lug-haya dilkii booliisku ka gaysteen maalintii doorahsada, iyo midkan Hargeysa ee dadka cabanaaya lagu laayayba saw raadkoodii ma hayno? Maxaan ka qabanay, maxaan se ka yeelaynaa dhacdooyinka noocan oo kale ah ee iman doona?
 
 
Isku soo wada duub, ceebta wixii Hargeysa ka dhacay cidina nadiif kama aha, waa se la kala badsaday. Xoogaga booliiska, Wasaarada Daakhiliga iyo guud ahaanba dawladu canaan iyo ceeb bay arintaas ku leedahay. Ceebta qudheeda ayaa laba waji ah oo mid waa dhacdada qudheeda oo aanay ahayn inay sidaas u dhacdo oo dad dhinto, iyo wajiga kale oo ah inaan cidina ka hadlin, wax talaabo ah oo wax lagu saxaayo na la qaadin. Inta aan ka ogahay, ilaa hadda tacsi iyo canaan midnaba cidina ma jeedinin! Golayaasha kale ee qaranka, odayaal dhaqameedka iyo culimada diinta oo aan midkoodna cod laga maqlin baa iyaguna eed xoogan ku leh arintan. Eeda sadexaadna waxa iska leh, siday aniga ila tahay, siyaasiyiinta oo gees kastaba ha joogaane, aan wax ku filan ka qabanin kacdoonkan, ama markiisa horeba inuu kacdoon yimaado si wacan gogosha ugu xaadhay.
 
 
Al-muhim, xukuumaddu waa inay dhakhso dib isugu noqoto oo arintan baadhitaan ka furto. Waa in gudi baadha arinta loo saaro, oo waliba dawladani gudiyo saarista way ku wacnayd ee ay guddi saarto, laakiin uu mid dhab ah oo jawaab soo celiya noqdo gudigaasi. Jawaabtu waa inay noqotaa mid duruus laga barto, qof kasta oo qalad galayna dhakada qaladkiisa loo saaro iyadoo aan looga tudhin. Waa hadii sidii dawladeed loo dhaqmaayo, hadii kale se mooyi. Geesta kale, waa in dabcan dadkii dhintay iyo wixii dhaawacmayba mag iyo dhaawicin laga bixiyo.
 
 
Waa: Maxamed Haaruun - mbiixi@gmail.com
posted on Saturday, December 8th, 12

  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Hadallada Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali


Suldaan Xiirey Oo Xisbiga Kulmiye Ka Codsaday In Ay Ka Hadlaan Musharaxooda


Maxamed Y. Bidhiidh oo aanu ka wareysaney sababta ay dawlada Sweden u dhacday


Maxamed Haaruun Biixi oo aanu la yeelaney waraysi u badan siyaasada Somaliland.


Shir jaraa'id oo raysal wasaraha uu Muqdisho ku qabtay


Halkan ka Dhagayso:Axkaamta Salaada Jumcaha iyo Sheekh Axmed Caabi Cabdi


Agaasimaha machadka diraasaadka siyaasada soomaaliya mr. Jibriil oo RH siiyay xog muhiimaha oo ku saabsan shirkii Copenhagen.


Maxamed-amiin oo wareysi kooban la yeeshay wasiirka arimaha dibada ee Somaaliya . mud. Bayle


Suaalo kooban oo ay saaxafadu waydiisay Amb. Maxamed C. Afay


Wareysi. Cabdi Xariir Baaruud . Agaasimaha golaha qubajooga Soomaaliyeed.


Wareysi. Amb. Cali Siciid fiqi safiirka Soomaaliya ee EU


Suaalo kooban oo ay saxaafadii goobta joogtay qaar ka mid ahi waydiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya


Prof. Abdikadir Osman oo aanu ka wareysanay shirka Copenhagen iyo Xaalada Soomaalida Denmark


Khubadda Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta


Cabdiqaadir M. Gacal oo aanu ka waraysaney Shirka caalamiga ah ee ka dhici doona Kobenhagen iyo halka ay wax marayaan.


Wareysi: Gudoomiyaha dallada SSE. Cabdiraxmaan Yasiin


Xildhibaan Aareeye Madaxweyne Oo Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal Talooyin u soo Jeediyey


Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Maanta ka Hadley Barnaamijkiisa Siyaasadeed


Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Dhaleecayn u Jeediyey Gudoomiye Ciro


Madaxweyne Silaanyo Oo Xadhiga ka Jarey Dhisme Cusub Oo loo Dhisay W/Xaananada Xoolaha