 Muqdisho (RH) Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maanta si nabad ah kula wareegay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.
Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa saaka ku waabaristay magaalada oo ay ka maqan yihiin Al-Shabaab, waxan magaalada ka bilowday bililiqo baahsan gaar ahaan xarumihii ay joogeen Shabaab sida saldhiga bilayska.
Ururka Alshabab ayaa xilli hore oo saaka ah ka baxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, ka dibna waxa la wareegay ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxana magaalada ka dhacay labo qaraxm kuwaasoo geestay khasaaro naf.
Al-Shabaab ayaa afar sano ah ka talinaysay magaalada Jowhar iyo deegaannada ku hareereysan.
Magaalada ayaa la sheegay caawa in bandow la galiyay, waxana maanta teel teel ahaa ganacsiga iyo isku socodka dadka.
Abaanduulaha ciidamada xoogga Jeneraal Cabdikariin Yuusuf dhego-badan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyay qabsashada Jowhar, wuxuuna sheegay inay magaalada Jowhar hadda gacanta ugu jirto ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.
Ciidamada ayaa haatan fariisimo ka sameystay dhowr goobood oo ka tirsan Jowhar sida xarunta maamulka, saldhigga booliska, koontaroollada magaalada laga soo galo iyo garoonka diyaarahaha.
Magaalada Jowhar waa degmadii labaad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo laga qabsado ururka al-Shabaab, waxaa bartamihii sanadkan laga saaray degmada Balcad
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia
|