 Kobenhagen: Kalsoonida dadweynaha Denmark ku qabaan dawladda iyo raisalwasaaraha ayaa kor u soo kacday saddex biloodkii ugu danbeeyay, halka ay hoos u dhacday kalsonida lagu qabo mucaaradka iyo guddoomiyaha xisbiga Libaraalka, Lars Løkke Rasmussen.
Sidaas waxa muujiyay ra'yiururin ay samaysay Voxmeter, oo saddexdii biloodba mar baadhitaan ku samaysa argatida dadwaynaha ee siyaasadda deenishka, dawladda, mucaaradka iyo hoggaamiyayaasha xisbiyada.
Taniyo markay dawladdu la wareegtay talada dalka bishii oktoobar ee sannadkii hore hoos ayay u socotay kalsoonida lagu qabo dawladdu. Laakiin hadda arrintu dhinaca kale ayay isu rogtay.
Kalsoonidarro yar
Kalsoonidarrada dawladda ee qodobada lagu eego kalsoonida, oo 0 lagu cabiro, ayaa soo yaraaday.
Dawladda ayaa kor uga soo kacday -26,72 oo xagaagii ay taagnayd oo hadda noqotay -16,79, halka mucaaradka oo awel taagnaa -1,99 xagaagii uu kor ugu kacay -4,54 ra'yiururinta cusub.
Shakhsi ahaan Helle Thorning-Schmidt ayay u tahay arrin wanaagsan.
Ka dib markay codbixiyayaashu siiyeen calaamadaha ah 5/6 raisalwasaaraha hadda haysa talada dalka, waxa si wayn hadda u kordhay taageerada loo hayo Helle Thorning-Schmidt.
Boqolkiiba 20,46 ayaa dadwaynaha deenishka hadda aaminsan, in Helle Thorning-Schmidt ay tahay raisalwasaaraha ugu habboon, inay Danmark hoggaamiso, tiradaas oo saddex biloodkii hore ahayd b oqolkiiba 16,36.
Weli waxa horreeya Løkke Rasmussen
Musharraxa raisalwasaaraha dalka ee xisbiga Libaraalka Lars Løkke Rasmussen, ayaa hoos u soo dhacay saddexbiloodka afraad oo maanta taagan boqolkiiba 30,47. inkastoo uu hoos u dhacay haddana weli isaga ayaa ah musharraxa loo doorbidayo raisalwasaarenimada.
Ra'yiururinta ayaa sidoo kale muujinaysa, in hoggaamiyaha xisbiga Radikaalka, oo ah wasiirka dhaqaalaha iyo arrimaha gudaha, Margrethe Vestager, ay kormartay Lars Løkke Rasmussen, marka la eegayo hoggaamiyaha ugu adag guddoomiyayaasha xisbiyada, siday deenishku u arkaan.
Lars Løkke Rasmussen ayaa ku jira kaalinta labaad oo ka horreeya guddoomiyaha xisbiga Enhedslisten, Johanne Schmidt-Nielsen, waxana ku xigta oo kaalinta afraad ah Helle Thorning-Schmidt.
Ra'yiururinta ay samaysay Voxmeter ayaa ku salaysan tilifoonno lagu waraystay 1.100 dad la soo xushay ah muddadii u dhaxaysay 27ka noofambar ilaa 4tii diisanbar.
source.dr.dk |