 Hargaysa (RH)Guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada golaha wakiilada ayaa ciidamada Bilayska uga digay inay ka waantoobaan rasaasta nool ee ay u adeegsadaan dadweynaha mudaharaadyada cabashada ah iskugu soo baxa, waxaanay tilmaameen inay dambi tahay in rasaas nool ay Bilaysku kala hortagaan dadweynaha.
Waxa kale oo guddiga arrimaha guduhu ay ku eedaysay Komishanka doorashooyinka inay khalkhal iyo qalalaase ka dhex abuurayaan codadkii doorashada golayaasha deegaanka ka soo baxay. Sidaana waxaa sheegay gudoomiyaha guddiga nabadgalyada Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo shirjaraa’id ku qabtay xarunta golaha wakiilada, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wixii dhibaato ah ee ka dhaca maanta Somaliland ee la xidhiidha doorashada Komishanka ayaa masuul ka noqon doona, arrintaasi dibu tirinta codadku waxay Batrool ku sii shiday cabashadii doorashada ka timid, golihii waxa la furayaa 15-ka bishan December 2012ka. Komishanka waxaanu ugu yeedhaynaa golahayaga hortiisa oo laga ansixiyay, waxay su’aali ka taagan tahay muddadii sharciyadooda hadana ummadii bay khalkhal galinayaan”
Md Cabdiraxmaan Xoog oo hadlkiisa sii watay waxa u yidhi “Qodobka 34aad ee xeerka ciqaabta guud ee ka hadlaya weerarka iyo difaacu inay isku miisanaadaan ciidanka Bilayskuna waa inay ku dhaqmaan, ilmo yar oo dhagax kugu soo tuurayna caqli maaha in xabad ay beerka kaga dhuftaan Bilaysku, waxaanu leenahay Bilaysku waa inay ka waantoobaan caruurtan ay xabada la dhacayaan, dadweynuhu marka ay cabasho iskugu soo baxaan maaha in rasaas nool lala dhaco” ayaa Uu yidhi Xildhibaan C/raxmaan Xoog
Radio Hormuud
Studio 2
Hargaysa Somaliland |