 Kobenhagen: Ardayda deenishka ayaa dunida ka gashay kaalinta shanaad xagga wax akhriska.
Sidaasi waa gebogabada labada baadhitaan ee waawayn ee caalamiga ah, TIMSS iyo PIRLS2011, kuwaasoo si caalami ah loogu eego heerka aradyda fasalka 4aad ee xisaabta, sayniska iyo akhriska.
Si wayn ayay narkan kor ugu soo kaceen ardayda deenishku xagga wax akhriska. Shan sano ka hor ardayda fasalka 4aad ee deenishka ayaa gashay kaalinta 18aad ee dalalka ugu wanaagsan.
- Haddii aynnu eegno dalalka badanaa aynnu isku dherersanno, Finland way innaga horraysay, halka Sweden iyo Norway ay meel hoose ka galeen liiska. Dhab ahaan ardayda deenishku waxay la mid yihiin kuwa gobolka Ontario ee dalka Kanada, oo sannadahan ugu danbeeyay hormood ka ahaa hadalhaynta cusub ee dugsiyada, ayuu yidhi Jan Mejding, oo ah cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda Aarhus. Isaga ayaa ka danbeeyay qaybta deenishka ee baadhitaanka wax akhriska ee PIRLS 2011.
Hablaha ayaa ku wanaagsan akhriska
Hablaha deenishka ayaa akhriska kaga wanaagsan wiilasha, gaar ahaan akhriska sheekooyinka maleawaalka ah. Laakiin farqi wayni u ma dhexeeyo qoraallada warbixinta ah.
- Boqolkiiba 70 ayaa ardayda deenishka wax ay xiisaynayaan akhriya wiiggii hal mar, boqolkiiba 77 ka mid ahina waxay ku jawaabeen, inay jeclaystaan akhriska. Ardayda xiisaysa wax akhriska ayaa badanaa ku fiicnaada wax akhriska, ayuu yidhi Jan Mejding.
Xaqiiqooyin la xidhiidha baadhitaanada
PIRLS (Progress in International Reading Literacy Study) waa baadhitaan caalami ah oo ururka caalamiga ah ee cilmibaadhista, IEA, uu ku eego awoodda akhriska ee fasallada 4aad. Baadhitaanka ayaa la sameeyaa shantii sannadoodba hal mar, iyadoo la eego xagga horumarku u socdo. Danmark waxay ka qaybgashay PIRLS i 2006 iyo 2011.
PIRLS 2011 waxa ka qaybgalay arday ka kala socota 50 dal, gobol iyo degmo. Tiro ka badan 325.000 oo arday oo dunida oo dhan ka socda ayaa ka qaybgalay baadhitaanka. Danmark waxa ka qaybqaatay 4.595 arday oo ku kala jira 232 dugsi.
source.dr.dk |