 Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee 5 Qof ayaa Ku Geeriyooday Oo 4 Askar yihiin Halka ay Ku Dhaawacmeen in Ka Badan 20 Askari Ka Dib Markii ay isku Dheceen laba Baabuur Oo Marayey
inta U Dhaxaysa Degmada Dacar Budhuq iyo Deegaanka Haleeya
Baabuurtan isku Dhacay ayaa Waxaay ahaayeen Nooca loo yaqaano Waaraadka labadan Baabuur ayaa Mid Ka Mid ah Waxaa lahaa Ciidanka Booliska Kaasi Oo Siday Askar Kaasi Oo Ka yimid Magaalada laas caanood
Halka Ka Kale Siday Lo, Oo isna Ka yimid Dhinaca Magaalada Hargeysa Una Sii Jeeday Dhinaca Magaalada Babera
4 Askari ee Dhintay ayaa Waxaa Ku Jira Hogaan Ku Xigeenkii Wacyi Galinta Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Yaasiin Jaamac
Waxaana Maydka Askartan iyo Dhaawacaba la Soo Gaadh Siiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa Halkaasi Oo lagu Daawaynayo Askarta inta Dhaawaca ah
Sidoo Kale Waxaa Waxaa isna Dadka Dhintay Ka Mid ah Darawalkii Waday Baabuurka Kale
Ilaa Hada lama Oga Qasaaraha Dhabta ah Ee Ka Dhashay Shilkan labada Baabuur ee isku Dhacay
Waxaanu idiin Soo Gudbin Doonaa Waxii Wara ee Ka Soo Kordha
By Maxamed Jiciir AW Axmed
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa Somaliland
|