 Hargeysa(RH):- Taliyaha Ciidammada ammaanka Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa dhacdadii ugu naxdinta badnayd ee soo marta ku tilmaamay shan ruux oo isugu jira saddex Ciidammada Booliska Somaliland ka tirsan iyo laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay 25 Askari-na way ku dhaawacmeen, ka dib markii laba Baabuur oo midkood Boolisku lahaa iyo mid kuwa shacabka ee Xamuulka qaada ahi ay isku dheceen maanta Duhurkii iyaga oo marayey jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Taliyaha Ciidammada ammaanka Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan oo galabta Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo la keenay dhaawaca iyo dhimashada shilkan ka dhashay, ayaa sheegay in shilkii ugu xumaa maanta soo maray muddadii uu ku jiray ciidanka Booliska, waxaanu tafaasiil ka bixiyay khasaariha ka dhashay Baabuurka Boolisku watay iyo gaadhi shicib ah oo isku jiidhay maanta duleedka Hargeysa, gaar ahaan jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa.
Taliyaha Booliska oo booqday ciidanka booliska eek u dhaawacmay shilkan baabuur oo lagu dawaynayo cisbitaalka Hargeysa, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii xubnihii ka geeriyooday Booliska iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodii, ciidanka Booliska iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.
Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal oo shilkan faahfaahin ka bixinayaa waxaa uu yiri; “Waxa dhacay shil tiiraanyo leh oo ku yimid ciidan boolis ah oo hawl ka soo laabtay, gaadhi ciidanka boolisku lahaa oo Bol 80 la yidhaahdo iyo gaadhi kale oo shacab ah oo nooc loo yaqaano shaambo ah ayaa shilkaasi ka dhacay. Dhimashadu waxa weeyaan sarkaalkii ciidanka watay iyo laba askari, dhaawacuna waa 25 askari.”
Taliye Fadal oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu yiri; “Dhinaca shacabka wax ku noqdayna hadaan wax kaaga sheego ilaa hada darawalka iyo kirishbayga ayaa dadka dhintay ku jiray, waxaanay tirada dhimashadu noqonaysaa 5 qof oo shacabka Somaliland ka baxay.”
“Waana shil aad u culus dhamaan ciidanka Booliska Somaliland, Illaahay uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo, inta dhaawacana waxaan Illaahay ka rajaynayaa inuu u sahlo oo uu u yasari Shilkaa dhacay arrintiisana waa la baadhayaa, wixii kale ee faah-faahinana marka baadhista la dhameeyo ayaanu dib ka soo sheegi doonaa. Waa Naxdintii ugu cuslayd ee i soo marta intii aan ciidanka Booliska Ku Jiray, waanaynu ku samraynaa, taliya aan ahaado ama hogaan ahaado.” sidaa ayuu yiri Taliye Cabdillaahi Fadal.
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa/Somaliland.
|