 Kobenhagen: Raisalwasaaraha Danmark, Helle Thorning-Schmidt (S), ayaa isku dayday khudbaddeedii sannadka cusub, inay abuurto kalsooni dadku ku qabo dawladda.
Sidaas waxa sheegay Peter Nedergaard, oo ah borofisar culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Kobanheegan.
- Kalsoonidarrada dadwaynuhu ku qabaan xukuumadda ayaa salka ku haysa, iyadoo dawladdu aanay dhinacyo badan ka fulin waxyaabihii lagu doortay xisbiyada Sooshal dimuqraadiga iyo SF.
- Khudbaddeedii sannadka cusub ayaa Helle Thorning-Schmidt ay ku dooday, inay dawladdu wadaxaajood ka gashay xeerar lama huraan ah, oo ay kelliftay xiisadda dhaqaale ee dalku ku jiraa, ayuu yidhi Peter Nedergaard.
Horumarka dhaqaalaha oo hagaagi doona
Raisalwasaaraha ayaa isku dayaysay, sidu sheegay borofisarku, inay abuurto rajo la xidhiidha, in xaaladdu isbedeli doonto sannadka 2013.
- Helle Thorning-Schmidt ayaa saadaalisay, in horumarka dhaqaalaha ee dawladdu horseedayso sannadka 2013 uu xallili doono kalsoonidarrada dadwaynuhu ku qabaan dawladda, iyadoo dawladdu higsanayso natiijooyin waxkuool ah oo saamayn doona muwaadin kasta.
- Teeda kale raisalwasaaruhu si wayn ayay u khamaartay, haddii uu suurtageli waayo horumarka ay saadaalisay sannadka 2013?
- Marka dawladdu kalsooni ku doonayso horumarka fiican ee mustaqbalka la higsanayo, waa dhibaato wayn, haddii natiijooyinku hoos u dhigi waayaan shaqola'aanta, wax kasta oo kale oo dawladdu ku ballanqaadayba, ayuu yidhi Peter Nedergaard.
Merkel oo dhaqaale ahaan ka dayrisay sannadka 2013
Borofisarku wuxu ku nuuxnuuxsaday, in jaansilarka Jarmalka, Angela Merkel, ku sheegtay khudbaddedii sannadka cusub, in aan la filin, in sannadka 2013 uu dhaqaalaha yurubiyanku ka fiicnaado sidu ahaa sannadkii 2012.
Waxaba ay xustay, in laga yaabo in sannadka 2013 uu ka darnaado sannadkii 2012.
- Haddii ay sax noqoto saadaasha Angela Merkel, oo dhaqaalaha deenishku horumar samayn waayo, iyadoo sidaas ku ballanqaaday raisalwasaaruhu, markaas way sii xumaanaysaa kalsoonida ay dadwaynuhu ku qabo dawladda.
-Sidaas awgeed khamaar wayn ayay raisalwasaaruhu ku gashay khudbeedii sannadka cusub, ayuu yidhi borofisar Peter Nedergaard.
source.dr.dk |