 Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegayso.
Dhaashane:Waar horta adigu ma Ucid baad tahay mise Wadani?
DHaqane:Waxaan ahay Urur la yidhaa : Dulqaad
DHaashane:Ala muxuu hadba meel aan loo jeedin ka fad kudiyey.Dulqaad muxuu ahaa?
DHaqane:Waa Urur weyn .Dad badan oo aad garanaysaa ku jira .Waxaa ka mida :Sheekh Aden siiro ,Sanwaa omar yare, Qarmaaje , Mujaahid Mohamed xashi ,ma kuu wadnaa ilaa manta.
DHaashane:Waa halkii kuwii ruwaayadee ,oday dhaqameedba maad sheegine siduu ururkaasi u soconayaa?Waar bahalka suldaan ku dar..
DHaqane:Boqoraa ku jira adeer .
DHaashane:Oo yaa ka mida ?
Dhaqane:Waxaa ka mida boqor libaax madow .
DHaashane:Waar waxan aad shubayso ma naqaane.Maxaad labadan xisbi ee mucaaridka ah mid uun u geli wayday?Ileyn habeen mucaarid baad dhalatoo ,kolay muxaafid noqon mayside.
DHaqane:Maxaanu galnaa Ucidna waa mucaarid muxaafid ah.Wadanina waa muxaafid mucaarid ah e . Bal adigu waa kaase kala dooro.Wadani markaad is tidhaa gal uun baad arkaysaa kiiyoo wax walba runtaada haya kulmiye ,Hadhowna waxaad arkaysaa kiiyoo sheeganaya xisbi mucaarid ah.Ucidna markuu maalin yar qayliyo eed is tidhaa kanaa xisbi mucaaridee gal. ayuunbaad arkaysaa kiiyoo kulmiye xaflad ay leeyiin jooga .markaasaad is waydiinaysaa :Tolow Ucidba ma kulmiyey ku biirtay?Waar Urur kayagaa yare e Dulqaad baanu iska haysanaynaa .Waa iska dulqaadanaynaa intay wax yar si yihiin.Miyaanad maqal heesta tidhaaLDul lahow aduuyada badan way dambaysaa.
Waa qalinkii: Baxnaan xaaji aden
Sweden |