 Hargeysa(RH)Cuqaashan iyo waxgaradkan ka soo jeeda Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargaysa ayaa Ku Baaqay in Dhinac looga Soo Wada Jeesto ilaalinta Nabad Galyada isla Markaana Waxay Ku Dheeraadeen Qiimaha ay Nabad Galyadu U leedahay Qaranka Somaliland
Cuqaashan iyo waxgaradkani Waxay Hoosta Ka Xariiqeen in Bulshada Reer Axmed Dhagax ay yihiin Ku Wii Dhidibka U Dhigay Qarankan Somaliland Sidaasina Waxay Ku Sheegeen shir jaraa’id Oo ay Maanta Ku Qabteen Huteelka Xaraf ee Magaalda Hargeysa ayaa waxay Xuseen in ayna Ogolayn Cid Nabad Galyada Wax yeelaysa , isla markaana waxay tilmaameen wixii cabaashooyina ee jira in loo Maro Wadada Sharciga ah Xukuumada Talada Dalka Haysaana ay Wax Ka Qabato Wixii Cabashooyina ee Jira,
Waxayna Si Wada Jira ay Farta Ugu Fiiqeen in ayna U Dulqaadan Doonin Dadweynaha reer Axmed _Dhagax Cidii Wax U Dhimaysa qaranimadda Somaliland
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay jiif caaqil C/laahi Faarax Aadan, waxaanu yidhi “Waxa maanta halkan Muuse Abakor iskugu yimi in nabad-gelyo ugu baaqo reerka Arab la yidhaahdo. Nabadgalyadu waa caafimaadka loo wada dhan yahay oo adduunyada qof kasta oo geed kasta oo wax kasta oo nooli uu ku intifaacsado weeye.
Nabadgalyada waana qaadanay dawlada waanu u sheegaynaa nabadgalyo ayaanu qaadanay haddii aanu nahay Muuse Abokor oo aanu matalno Arabna waxa aanu ugu yeedhaynaa gogosha nabadgalyada Somaliland, qaranimada Somaliland ayaanu ugu yeedhaynaa, qaranka Somaliland midigta ayaanu ka taagan nahay.”
Caaqil C/laahi Faarax Aadan isagoo hadalkiisa sii wata waxa ku yidhi “Reerka Arab la yidhaahdo waxaan leeyahay soo dhawaada walalaalayaal ku soo dhawaada golaha nabadda oo hidaha iyo dhaqanka u lahayn ee qaranimada Somaliland oo aynu ku mutaysanay in aynu noqono reerka ugu sharafta badan sababtoo ah, markii nin waliba qorigiisa haystay reerkii qoriga ugu hor dhiibay ayaynu ahayn Suldaankeenu Suldaanka Somaliland ayuu ahaa qabiilkeenu Somaliland ayuu ahaa ciidankeenuna ciidanka Somaliland ayuu ahaa, maantana waxaan idinku baaqaynaa haddii aanu nahay waxgaradka iyo cuqaasha beesha Muuse Abokor inaad ku soo dhawaataan golaha wada hadalka.”
“Dawladana waxaan ugu baaqayaa wax kasta Arab tabannayo dawlad baad u tihiin idinkaa u madaxa in aad u tanaasushaan oo aad ka bogsiisaan ayaan idinku boorinaynaa,”ayuu yidhi
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Aadan Caabi, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay nabad-galyada wax loo dhigaa ma hayno Arab gabi ahaantiiba haddii Muuse Abokor u soo horeeyay, inta kalena in imka ka bilowdo ayaanu jecel-nahay. Qaranimadda Somaliland Araboow waa ta aynu dhisnay, waxaan leeyahay bahasha aynu dhisnay in faraheena la inagu ceebeeyo, waan ka soo horjeednaa haddii aanu Muuse Abokor nahay in gurigii aynu dhisnay dumino.”
“Annagu nabad wax dhaanta waanu waynay kii wax dhaama garanayoow ha lagu arkee halkaad qabanayso qabo,”ayuu yidhi Aadan Caabi.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Caaqil Axmed Xuseen Caynuun, waxaanu ka waramay ahmiyadda nabad-gelyadda iyo qaranimada Somaliland ku fadhido, waxaanu yidhi “Nabadgalyada ayuun baa laga hadlayaa annagu nabad-galyadda ayaan leenahay ha laga shaqeeyo. nabadgalyada aanu ka shaqaynaynaa waa ta lagu caano dhamayo ee lagu fadhiyo.”
Waxa weeye aduunyadu haddii aanay nabad-galyo lahayn la noolaan maayo, la hurdi maayo, aqalo la dhisan maayo, nabadgalyada ha laga shaqeeyo ayaan leenahay waanan ka soo shaqaynay,” ayuu yidhi jiif Caaqil Axmed Xuseen Cayuun
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa Somaliland
|