 Hargeysa(RH)Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa magacaabay wakiilka xisbigaasi U Qaabilsanaan Doona Dalka Sucuudiga Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Waxaa Uu Sidaasi Ku Sheegay Warsaxaafadeed Uu Ka Soo Saaray Xafiiskiisa Magalada Hargeysa
Warsaxaafadeedkan Oo Nuqul Ka Mid ahi Soo Gaadhay Xafiiska Radio Hormuud ayaa Waxaa Uu U Dhignaa Sidan :-
“Markaan arkay Mabaadiida Xisbiga UCID ee xidhiidh ka Caalami, markaan arkay Siyaasada Boqortooyada Sacuudi Arabeeya iyo Xidhiidhka Somaliland ee Sii Xoogaysanaya, markaan fahmay kor u kaca Dhaqaale iyo hufnaanta Siyaasadeed ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabiya, markan arkay baahida wayn ee loo qabo isku xidhka labada Dal. waxaan gartay in aan magacaabo wakiil-ka Xisbiga UCID ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabeeya.
markaan arkay aqoontisia kartidiisa iyo khibradiisa waqtiga dheer waxaan u magacaabay Khadar Xuseen Diiriye wakiilka Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabeeya ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID.” |