 Kobenhagen: Deenishka ayaa guryaha u qaadanaya kartoono cunto ku jirto. Sidaas waxa caddeeyay mudalabyada.
Sidaas waxa muujiyay baadhitaan uu sameeyay ururka dhaqdhaqaaqa adeegatada "Jooji Cuntada la Qubo - Stop Spild af Mad" oo kaashaday Gallup. Haddana waxa baadhitaanka "Jooji Cuntada la Qubo" uu iskaashi la samaynayaa shirkadda cuntooyinka ee Unilever. Maanta laga bilaabo qaar badan oo ka mid ah hudheelada wax laga cuno ayaa macmiisha siinaya kartoono lagu qaato cuntada soo hadha.
- Baadhitaanka ayaa muujiyay, inaan weli lagu dhiirran in la dalbado kartoonka cuntada lagu qaato, marka debedda wax laga soo cuno. Waxa loo arkaa in aanay habboonayn, laakiin marka la waydiisto mudalabka, sida qaalibka ah waa la helaa. Sidaas awgeed waa muhiim, in mudalabyada qudhoodu dhiirrigeliyaan arrintaas, ayuu yidhi madaxa suuqgaynta shirkadda Unilevers, Stine Larsen.
Yaraynta cuntada la qabo
Shirkadda Unilever ayaa ka mid noqday mashruuca, ka dib markay daawadeen barnaamijka Selina Juul ee "Jooji Cuntada la Qubo - Stop Spild af Mad" xagaagii. Selina Juul ayaa rajaynaysa, in hudheelada cuntadu yareeyaan cuntada la daadiyo:
- 140. 000 tan oo cunto ah ayay daadiyaan hudheelada cuntada, kantiinada iyo kijinada waawayni. Garan maayo intay dhimi karaan, laakiin waxaan rajaynayaa, in culays la saaro, sidii macmiishu uga caawin lahaayeen cuntada la qubo, ayay tidhi Selina Juul.
source.dr.dk |