 Hargeysa(RH)Gudoomiyaha Hay ada Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq maasuqa Axmed Muxumed Madar ayaa Maanta Kormeer Howleed Ku Soo Marey Wasaaraa Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi Galinta Gudoomiyaha Hay ada Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq maasuqa Oo U Jeedada Kormeerkiisu la Xidhiidhay Kormeer Guud ahaan Uu Ku Samaray Gobolada Dalka Somaliland Oo Dhan Gaar ahaan Xarumaha Hay adaha Dowlada Kaasi Oo Uu Ugu Kuur Galayey Habsami U Socodka iyo Dar Dar Galinta Howl Galka Shaqada Dowlada ,iyo Sida ay Masuuliyiinta Hay ada Dowladu Ugu Dhaqmaan Una Dhowran Saacadaha Shaqada iyo Sida ay Waajibaadkoda Shaqo ay U Gudanayaan Shaqaalaha Hayadaha Kala Duwan ee Dowladu
Gudoomiyaha Hay ada Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq maasuqa Axmed Muxumed Madar ayaa Waxaa Uu Sheegay in ay Wadeen Kormeerkan Mudooyinkii Danbe Oo Dhan isla Markaana Waxaa Uu Sheegay in Kormeerkan ay Ka Wadeen Hay adaha Dowlada U Jeedada Ugu Weynayd Tahay U Dhaba Galka Saacadaha Shaqada Xafiisyada Dowlada iyo Sida ay Ugu Socdaan labada Galinba .
Waxaanu Sheegay in Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi Galintu ay Ka Mid Tahay Wasaaradaha ay Soo Mareen, Waxaanu Hoosta Ka Xariiqay in ay Wasaarad Kastoo ay Soo Mareen ay Ka Diyaarinayeen Warbixin oO Ku Saabsan Howl Galka Shaqada Xilaga ay Soo Galaan Howl Wadeenadu iyo Wakhtiga ay Ka Baxaan.iyo Wakhtiga ay Shaqalahu ay Saxeexaan Buuga Shaqada isgoo Sheegay in ay Ugu Gubinayaan Masuuliyiinta Sare Ee Dowlada
Gudoomiyaha Hay ada Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq maasuqa Axmed Muxumed Madar ayaa Waxaa Kormeerkiisa Ku Wehelinayey Howl Wadeenada Xafiiska Hay ada Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq maasuqa
By Maxamed Jiciir Aw Axmed
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa Somaliland |