 Boosaaso (RH) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka tacsiyeeyay geeridii xalay ku timid guddoomiyihii bangiga dhexe ee dalka Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Faroole ayaa lagu yiri Tacsi ku socota Madaxweynaha Jabuuti iyo Marwadiisa iyo dhammaan Shacabka iyo Dowladda Jabuuti
Innalillahi wa innaa Illayhi raajicuun.
Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka Reer Puntland iyo Dowladda Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamud Xayd oo aan uga tacsiyeynayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Jamac Maxamud Xayd, Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee dalka Jabuuti.
Waxaan Ilaahay uga baryaya inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, Qoyskiisii, ehelladiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan Shacabka iyo Dowladda Jabuutina ka siiyo Samir iyo Iimaan.
Aamiin
Sidoo kale waxa jira dad badan uu tacsi u diray marxuum Jaamac oo isagoo ku jira isbitaalka Aqaa Qaan ee Nairobi ku geeriyooday.
Radio Hormuud
Studio 3
Boosaaso /Somalia
|