 Muqdisho (RH) Waxa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho wafdi ay hoggaamineyso ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maalmahan booqasho ku joogtay qaaradda Yurub.
Wasiiradda ayaa markii lagu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho, waxa ay la hadashay saxaafadda iyadoona sheegtay in dowladda Ingiriiska ay kala soo hadashay siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada iyo siddii dib loo furi lahaa safaaradihii labada waddan.
Marwo Fowsiyo ayaa sheegtay in dowladda Britain ay kala hadashay xoojinta xiririirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.
Iyadoo ay sheegtay UK in ay qabaneyso shir wayne caalami ah bisha May, kaasoo ay ka soo qaybgali doonaan madax caalami ah.
Wasiiradda ayaa sheegtay in dalka Talyaaniga ay kulantay madaxda dalkaas oo uu ku jiro dhiggeeda, isla markaana ay kala hadashay siddii loo adkeen lahaa xiriirka labada wadan iyo dib loo soo celiy iskaashigii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Italia.
Waxa kaloo ay sheegtay in magaalada Roma ay kula kulantay saraakiil ka tirsan hay’adda (WFP) kuwaasoo ay kala hadashay sidii qoxootiga dib ugu laabanaya dalka loo siin lahaa gargaar ku filan.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia
|