BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
17 visitors online
Total visits: 478348
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr07:38
Shuruq09:36
Dhuhr13:10
Asr14:28
Maghrib16:42
Isha18:33


Hees: Hadaad ruux is barataan. Saynab Cige


Dhageyso:Madaxweyne Silaanyo Oo Beeniyey in Uu Ka Tanaasulay Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye


Wareysi.Gudoomiyaha ururka dhaqanka Soomaalida Kolding.


Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadley Dab Ka Kacay Studio-ga Radio Hargeysa


Xil. Cismaan Waxar Oo Sheegay in uu Maayirka Caasimada Hargeysa uu ku Fashilmey Xilkii Loo igmaday


Xildhibaan Dogox Oo Dhaliil kulul u jeediyey Maayirka Caasimada Hargeysa


Fuaad oo aanu ka wareysanay Shirka ka dhici doona Kobenhagen bisha dambe.


Ruwaayadii dabjacayl kariwaa . Majaajilo xiiso leh


Faaiidada iidal Odxada iyo Sheekh Axmed Caabi Cabdi


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Maanta Hortagey Golaha Wakiilada


Af-Hayeenka Madaxtooyada Oo Beeniyey in Madaxweynuhu Soo Wado isku shaandhayn

Wargelin: RADIO HORMUUD KALA SOCO WARAR CUSUB MAALIN KASTA - Newsletter - - -
Hormuud News     Monday, December 22nd, 2014 | 19:22
[Sunday, January 13th, 13] :: Xeer-dejin iyo Xukuumad is-xanbaar ah (Gorfaynta Xeerka Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo Qalinkii . Boobe Yuusuf Ducaale _Qormadii: -7aad.

Share |
news image

Guddoomiyaha Golaha Sare ee kacaanku markii uu arkay Axdiga Koowaad ee Kacaanka isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo Hay’ad Nabad-sugideed,

Wuxu oggolaaday isla markaana dhaqan-geliyay Xeerkan:

Qodobka: 1aad

(Dhismaha Hay’adda)

Laga bilaabo 8da Jeeniweri, 1970ka, waxa la dhisay Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed,

Qodobka: 2aad

(Hawl-wadeennada)

1. Iyada oo la raacayo Amarka Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka, hawl-wadeennada NSS-tu waxay ka koobnaan doonaan xubno laga soo wareejiyay ciidanka Xoogga dalka, Booliska iyo qaybaha kaleba,
2. Hawl-wadeennada NSS-ta waxa lagu maamuli doonaa, Xeerka Anshaxa ee Ciidammada Xoogga dalka iyo wixii Xeerar kale jira. Xeerarkani waxay dhaqan-gal ahaanayaan ilaa inta Guddoomiyaha GSK Xeerar u gaar ah Hay’dda NSS-ta u soo saarayo,

Qodobka: 3aad

(Sharciyadda)

Hay’addu NSS-tu waxay awood iyo sharciba u leedahay in ay ka hawl-gasho dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo dhan. Sidaas oo kale adeegyada iyo hawl-gallada NSS-ta haddii ay baahidu timaaddo, waxa lagu fidin karaa dalka dibaddiisa,

Qodobka: 4aad

(Awoodda baadhista iyo qabashada)

Hadddii ay dantu qasabto ama ay baahiduba timaaddo, hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ u qaadan, waxay awood u leeyihiin ama u idman yihiinba in ay baadhaan qof kasta, hantidiisa iyo gurigiisa iyaga oo la wareegi kara hanti kasta. Waa haddii ay sidaa war ku helaan ama uu jiro shaki xoog leh oo tilmaamaya in Qaranka denbi laga galay,

Qodobka: 5aad

(Awoodda ay meelaha ay u baahdaan ku gelayaan)

Hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu waxay awood u leeyihiin ay ku galaan meel kasta si ay baadhis ugu sameeyaan wixii la xidhiidha ammaanka Qaranka,

Qodobka: 6aad

(Awoodda qabashada iyo xidhista)

1. Hawl-wadeennada NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ sidan waxay awood u leeyihiin in ay cid kasta qabtaan/xidhaan,
2. Arrimaha lagu soo qaaday Qodobbada 4aad, 5aad iyo 6aad, waa in iyada oo aan lala daahin ama lala habsaaminba loo gudbiyaa Maxkamadda Badbaadada,
3. Maxkamadda Badbaadada ee xil-gudashadan u idmani, marka ay hesho ogeysiinta Qodobbadan la xidhiidha, waa in ay soo saartaa oggolaansho ay ku amrayso go’aan-qaadasho kama-danbays ah,
4. Golaha Sare ee Kacaanku (SRC) wuxu beddeli karaa ama dhinac iska dhigi karaa, iyaga oo dhan ama qayb ahaan arrimaha lagu xusay Qodobbada sare,

Qodobka: 7aad

(La-shaqayn qasab ah)

Marka laga reebo ergooyinka diblomaasiyadeed ee deggen Jamhuuriyadda Soomaaliya, qof kasta oo Soomaaliyeed wuxu ku qasban yahay in uu la shaqeeyo NSS-ta si ay u gutaan xilalkooda,

Qodobka: 8aad

(Baabi’inta Hay’adihii hore ee jiray)

Marka la dhiso Hay’adda NSS-ta, waxa tir-tirmaya oo baaba’aya Laantii Gaarka ahayd (Special Unit) ee Booliska iyo War-doonkii Sirta ee Ciidanka Xoogga dalka, isla markaana faylashooda, agabkooda, aarkiifiyadooda, gaadiidkooda iyo qalab kasta oo ay leeyihiinba waxay ku wareejinayaan NSS-ta,

Qodobka: 9aad

(Xuquuqda iyo hawl-gabka)

Inta Xeer u gaar ah laga soo saarayo, xuquuqda iyo hawl-gabka hawl-wadeennada NSS-ta waxa lagu maamuli doonaa Xeerarka lagu xaq-siiyo Ciidammada Qalabka Sida,


Qodobka: 10aad

Xeerkani wuxu dhaqan-gelayaa 8da Jeeniweri, 1970ka, waana in lagu daabacaa, laguna baahiyaa Faafinta rasmiga ah,

Muqdisho, 15ka Feeberweri, 1970ka,

Saxeexa
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka (GSK)

Sarreeye Guuto Maxamed Siyaad Barre

(Tarjumad aan rasmi ahayn oo aan anigu si degdeg ah u sameeyay si aad fikir uga qaadataan xeerkan ummadda Soomaaliyeed ku reebay ma-hadhadan ilaa maanta ku taairiisiga ahaan. Xidhiidhka Mareegta fadlan ka daalaco nuqulkii asalka ahaa ee Ingiriisiga ahaa)

Taliskii milleteriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre intaas oo keliya iskuma uu koobin, bal se markii uu muddo joogaba baahi ka qarsoonayd ummadda ayaa isaga hadba u muuqanaysay, markaa ayaa lagu dhaqaaqayay in Hay’ad cadaadineed oo sir-doon la sameeyo, waxaana ka mid ahaa Hay’adahaa dhagareed ee ummadda Soomaaliyeed lagu xasuuqay:

1. Guddidii Baadhista ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed,
2. Hangashtii,
3. Halgankii Hoose,
4. Iyo qaar kale oo badnaa oo midiba mid basaasaysay kana daba-shaqaynayay,

Dadweynaha in ay daba-galaan ka-sokow, iyaga ayaa isku maqnaa oo midiba mid daba-guraysay, meelo kala duwanna waa laga kala xukumayay. Ilaa heer gobol iyo degmo ayuu dhismahoodu u soo dhaadhacayay. Ma in ay cidi ka badbaadday ayaad u haysatan. Idinka waa idin ku sheeko.

Qoysaskii is-dhalay ee is-qabay ayaa is-basaasay. Ardaydii iyo macallimiintii wax baraysay ayaa is-basaasay.

 

(La soco……………………………………..)
 

posted on Sunday, January 13th, 13

  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Hadallada Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali


Suldaan Xiirey Oo Xisbiga Kulmiye Ka Codsaday In Ay Ka Hadlaan Musharaxooda


Maxamed Y. Bidhiidh oo aanu ka wareysaney sababta ay dawlada Sweden u dhacday


Maxamed Haaruun Biixi oo aanu la yeelaney waraysi u badan siyaasada Somaliland.


Shir jaraa'id oo raysal wasaraha uu Muqdisho ku qabtay


Halkan ka Dhagayso:Axkaamta Salaada Jumcaha iyo Sheekh Axmed Caabi Cabdi


Agaasimaha machadka diraasaadka siyaasada soomaaliya mr. Jibriil oo RH siiyay xog muhiimaha oo ku saabsan shirkii Copenhagen.


Maxamed-amiin oo wareysi kooban la yeeshay wasiirka arimaha dibada ee Somaaliya . mud. Bayle


Suaalo kooban oo ay saaxafadu waydiisay Amb. Maxamed C. Afay


Wareysi. Cabdi Xariir Baaruud . Agaasimaha golaha qubajooga Soomaaliyeed.


Wareysi. Amb. Cali Siciid fiqi safiirka Soomaaliya ee EU


Suaalo kooban oo ay saxaafadii goobta joogtay qaar ka mid ahi waydiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya


Prof. Abdikadir Osman oo aanu ka wareysanay shirka Copenhagen iyo Xaalada Soomaalida Denmark


Khubadda Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta


Cabdiqaadir M. Gacal oo aanu ka waraysaney Shirka caalamiga ah ee ka dhici doona Kobenhagen iyo halka ay wax marayaan.


Wareysi: Gudoomiyaha dallada SSE. Cabdiraxmaan Yasiin


Xildhibaan Aareeye Madaxweyne Oo Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal Talooyin u soo Jeediyey


Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Maanta ka Hadley Barnaamijkiisa Siyaasadeed


Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Dhaleecayn u Jeediyey Gudoomiye Ciro


Madaxweyne Silaanyo Oo Xadhiga ka Jarey Dhisme Cusub Oo loo Dhisay W/Xaananada Xoolaha