 Muqdisho (RH) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ugu ambabaxay dalka Maraykanka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha uu ku wehliyo ra’iisal wsaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan, iyo la taliya-yaasha Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madax sar-sare ee ka tirsan dowladda Maraykanka. Kulamaadaas ayuu Madaxweynaha uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya.
Boqashadaan ayaa waxeey tahay mid muujineyso sida ay uga go’an tahay Madaxweynaha adkeeynta xiriirka Soomaliya iyo Maraykanka.
Bilihii ugu danbeeyay ayuu madaxweynaha safaro ku tagay dalalka Geeska Afrika, lana saxiixay heshiisyo laba dhinac ah. Heshiisyadaas oo ku aadan amniga iyo horumarka.
Si loo hubiyo, horumarka la gaaray. Dibna aan loogu noqon bur-bur Madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la’leedahay beesha caalamka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya ayaa lagu yiri war-saxfadeedka.
Safarkaan ayuu Madaxweynaha kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo 1 ka ah lixda Tiir Siyaasadeed ee Madaxweynaha. Sidoo kalena wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia
|